Fayraskan Karoonuhu ma u muuqdaa in uu soo dedejinayo soo-ifbixidda quwadda uu damacsan yahay dalka Jaynuhu in uu dunida ku yeesho?

Wax ay warbaahinta caalamku dharaarahan ba aad u faaqidaysaa oo laba dhigaysaa loollanka ka dhex aloosan Maraykanka iyo Shiinaha ee la xidhiidha hoggaaminta dunidka iyada oo aad loo saadaalinayo in uu loollankaasi cirka is ku shareeri doono sannadaha dhaw ee foodda innagu soo haya. Sida oo kale wax la lee yahay kaalintii hoggaamineed ee uu Maraykanku adduunka ku lahaa ayaa ay wax is ka beddalayaan oo marka ay u gu  yar tahay waxa dhici doonta in Jayne la qaybsado, taasi na adduunka wax ay ka saari doontaa Maraykan in uu sii ahaado hoggaamiyaha jiheeya caalamka ee loo ga dambeeyo.

Hadda ba wax is weyddiin mudan Fayraskan Karoonuhu wax kaalin ah ma ku lee yahay in isbeddalkaasi si dhakhso ah ku yimaado oo doorkii Maraykanku meesha hore u ga baxo amma ba naaquso halka uu damicii Jaynuhu soo degdegayo?

Si aynnu weydiintaa jawaabteeda u fahanno aan eegno sida uu xaalku ahaa ka hor intii aanu cudurkan Covid19 adduunka ku faahain innaga oo tallaabooyinkii is xigay sida ay u dheceen tixi doonna.

Waxa dhab ah in muddo labaataneeyo sano ku dhaw uu Jaynuhu dedaal weyn ugu soo jiray sidii uu ku noqon lahaa quwadda koowaad ee adduunka hoggaamisa, marka ay u hoosayso uu damacsanaa in uu kaalinta koowaad Maraykan la qaybsado. Taa wax marag u ah xawaaraha sare ee uu ku soo socday dhaqaalihiisu isaga oo noqday awoodda labaad ee dunida. Waxsoosaarkiisu wax uu qabsaday suuqyada caalamka isaga oo meel walba u dhoofiyay oo aad moodo in uu barobixinayo dawladihii kale ee warshadaha lahaa oo dhan. Hadda ba Markaykanka oo aynnu og nahay sida uu dunida u xuurtaystay miyaa uu moogganaa dhaqdhaqaaqa Jaynaha iyo tallaabooyinka uu qaadayay intaas oo sano? Jawaabtu waa maya, Maraykan ma moogganayn taa ee si dhaw buu u la socday, se waxa uu u aanaynayaay tallaabooyinka uu Jaynuhu qaadayo in ujeedada u weyn ee ka dambaysaa ay tahay waxsoosaarka warshadeed ee badan oo uu dhoofinayo Jayne ee ayna saamayn buuran ku yeelan doonin kaalinta siyaadeed ee uu damacsan yahay.

Tallaabadii xigtay:Haddii arrimuhu sidaa ku soo socdeen gu’yaal badan, muddo immika ku siman shan sano waxa mar qudha adduunka ka hillaacay in waxdhoofintii Jaynuhu cirka is ku shareertay oo ay ku ba siqayso in ay noqoto lambarka koowaad ee dunida majaalaadka kala duwan ee horumarka, haddii ay tahay dhanka tiknoolajiyadda casriga ah, warashadaha culculus ee soosaara baabuurta, tareennada iyo wixii la mid ah, sida oo kale masaanicda farsameeya qalabka caafimaadka iyo wixii intaa la halmaala. Taa waxa raacday in shirkadihii Jaynuhu in badan ka mid ah ay ka sare mareen kuwii Maraykan oo meelo badan ku dhaafeen.

Tallabaddii taa xigtay: Siyaasaddii isbaacsadka sidii shantaa sano ee u dambeeyay loo gu soo jiray, waxa mar qudha uun dillaacay cudur la yidhaa Karoone kaas oo Jayne ka bilaabmay, is la muddo kooban ayaa uu hadda na adduunkii kale u gudbay oo dunidii wada maaruqay. Hadda ba Fayraska cidda fidisay iyo ma gacan bani’aadan baa ka dambaysay mise iskii buu u faafay, ma aha ta aynnu rabno in aynnu halkan hadda wax ka ga nidhaahno ee wax aynnu is la eegaynnaa qaabka looga falceliyay la tacaalidda Fayraskan Karoonaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya dedajinta xawaarihii uu ku socday damacii Jaynuhu rabay in uu quwadda koobad ee dunida ku maroorsado. Waa aynnu wada ogayn in mar keliya la la dheygagay dhakhsaha uu ku faafay cudurkani iyo sidii uu qaaradaha isaga gudbay ee uu boqollaal kun oo ruux u soo ritay. Bilawgii waa kii Jayne dhex jibaaxay ee warbaahintii dunidu isaga mooye wax kale ba ka sheekayn weyday. Waxa keliya ee lagu foogan yahay waa kii noqday la socoshada wararka fayraskaas, ilaa dadka qaar fasiraado iyo maleyaal kale ku sheegeen u qaateen in uu yahay halaaggii Jayne meesha ka saarayay. Muddo aan sii ridnayn waa kii u gudbay dunidii kale ee sidii uu Jayne u galay si la mid iyo si ka daran ba caalamkii u galay, gaar ahaan dawladihii awoodda badnaa ee Maraykan ugu horreeyay.

Tallaabadii taa xigtay: ka dib markii cudurkii Karoonuhu qaaradihii adduunka maansheeyay, Markaykan ayaa markii ba bilaabay in uu Jayne ku eedeeyo faafinta cudurkan iyo in uu adduunka ka qarinayo wax badan oo ku saabsan Fayraskan. Wax taa raacday falcelintii Jaynuhu iyana in ay noqoto in uu Maraykanka ku soo celiyo eeddii oo uu yidhaado cudurka Maraykan ayaa ka dambeeya. Sidii loo lagu jiray isweydaarsiga eedaymahaa hawada la isu marinayay ee u dhexeeyay labadooda, ayaa waxa timi­­­ in Jaynihii xakameeyay cudurkii halka Maraykankii loo arkay in uu ku fashilmay amma kaantarrooli kari waayay isaga oo noqday waddankii koowaad caalamka ee ku faafo Karoonuhu. Umuuqashada in Maraykan cudurkii xakamayn kari waayay Jaynihii na ka guulaystay wax ay abuurtay jewi kale oo indhaha caalamka soo jiitay. Tallaabooyinkii is ka daba imanayay ee Maraykan ku la tacaalay xanuunkan iyo go’aannadii aad moodaysay in ay is burinayeen ee uu ku dhaqaaqay ayaa u eekaysiiyay in uu noqday mid fashilmay is la jeerkaas na awooddiisii meesha ka saartay wax aana loo ba qaatay in uu dunidii kale ka soo xamaam gurtay oo gondihiisii isugu lugo du’day. Taa caksigeeda Jayne wax ay ka dhigtay dawlad awood leh oo si fudud u ga takhalustay cudurkii.

Tallaabadii taa xigay:Haddii dalkii Shiinuhu ka guuleystay cudurkii Maraykankii na u egaaday in uu ku guuldarraystay, waxa bilaabantay in uu Jaynihii degdeg isu gu diyaariyo buuxinta kaalintii Ameerika ee u muuqatay in bannaanaatay, taas oo ahayd in mashaakilka caalamka had ba wixii taagan xalkiisu wejiga uu yeelanayo cidda loo daba fadhiistaa ay Maraykan ahayd. Jayne wax uu ku dhaqaaqay in uu taageero siiyo mu’asasaadkii caalamiga ahaa ee duniada ka dhexeeyay oo ay ugu horrayso hay’adda caafimaadka adduunka oo uu dhaqaale siiyay halka Maraykankii ka jaray taageeradii dhaqaale uu siin jiray kolal bandan na ku hanjabay in uu joojinayo la shaqayta WHO oo uu ku eedeeyay in ay u janjeedho dhanka Jaynaha. Sida oo kale Jayne wax uu u gurmaday oo gargaarro gaadhsiiyay dawlado badan oo uu aafeeyay cudurkan Karoonuhu isaga oo ku caawiyay qalabkii lagaga hortagayay fayraska u na diray shaqaale caafimaad oo khibrad leh iyo dhakhaatiir.

Tallaabadii taa xigtay: Ka adkaantii Jayne ka adkaaday cudurkii haddii ay xigtay in uu u gudbo xallintii iyo wax ka qabashadii adduunka kale, Maraykan wax uu si dhab ah u garwaaqsaday halka wax marayaan iyo sidii hore in wax is ka beddalayaan oo doorkii uu aduunka  ku lahaa ku dhaw yahay in meesha la ga saaro oo la la wareego, sida oo kale in doonistii iyo damicii Jeynaha ee ku aaddanaa hoggaaminta  caalamka haddii ay markii hore gaantifayay hadda in ay gucleyn isu rogtay. Wax taa raacday in dad badan oo Maraykan ah ay soo jeedinayaan in Maraykan dib isu gu noqdo oo aragtiyihii qabweynida ku salaysnaa sida America is first lagu noqdo. Sida oo kale in siyaasadahan batalaqsiga u batay ee Doonal Taraam waayadan dambe ku socday wax laga beddalo. Waxa kale oo la soo jeediyay in jiritaanka Midawgii Yurub la xoojiyo kaas oo aad mooddo in kalafurfur ku soo food lee yahay, sababta oo ah is ku duubnaanta Yurub wax ay dan u tahay Maraykanka. Waxa xusid mudan in Taraam doonayay kalatagga Midawga Yurub oo uu aad u taageeray ka bixiddii Ingiriiska sababta oo ah wax uu aaminsanaa haddii Yurub kala daadato in uu si fudud oo keli keli ah siyaasaddiis uga dhex fushan karo, se hadda wax caddaatay in kaladhaqaaqa Yurub cidda koowaad ee ka faa’idaysaa in uu yahay Jayne oo hadda loollan adag kula jira Maraykan, sida oo kale Ruushka oo is na ah cadawgii soojireenka ahaa ee Maraykanka ayaa dantiisa u arka Midawga Yurub oo burbura.

Tallaabada ugu dambasa: haddii arrimihu sidaa u dheceen sansaantu ma sheegaysaa in Maraykan laga riixo sii-ahaanshaha quwadda koobaad ee dunida? Warcelintu wax ay sheegaysaa in aan si fudud taasi u dhici doonin sababta oo ah waa la wada ogsoon yahay awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ee Maraykanka lee yahay, is la jeerkaa waayo’aragnimada gaamurtay iyo khibradda uu haysto, sidaa darteed waxa la saadaalinayaa in hadda wixii ka dambeeya loo diyaargaroobi doono dagaal dhaqaale kii u gu adkaa oo ka dhex qarxi doonaa Jayne iyo Maraykan. Dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood ayaa u arka in dagaalkaasi gacal-ka-hadal gaadhi dooni oo hub la isu adeegsan doono, se waa fikir laga xoog badan yahay sababta oo ah maanta waa laga gudbay dagaalkii doqonniimada ku dhisnaa ee xabadda iyo qoriga ee waqtiga iyo hantida badani ku bixi jireen, taa beddalkeeda hadda wax la marayaa xilli fayrasyo ilimaqabatay ah la isu diro sida kan lagu sheegay Corona Covid19 oo aad loo tuhunsan yahay in uu hordhaca dagaalkii saddexaad ee dunida. Wax la filayaa in isbahaysiyo iyo kalajiidashooyin dawladaha kale ah ay u bilaabmi doonto Jayne iyo Marayka, waxaa na durba bilaw u ah istuurtuurka dhawrkii cisho ee u dambeeyay ka dhex bilawday Hindiya iyo Jayne iyada oo la leeyahay Maraykan baa Hindiya dabada ka riixaya.

Gebagabdii cudurka loo bixiyay Karoone Covid19  dabadii dunidu sidii hore sii ahaan mayso ayaa la is la oggol yahay.

 

 

W/Q: Muxiyadiin Axmed Xasan

Kuwait.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker