Eng Faysal Cali Waraabe Oo Mar Kale Ka Dayriyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse, Sheegayna Inay Aad Uga Cabsi Qabaan Inay Ku Dul Burburto + Ergo Uu Sheegay Inay U Direen.

Hargaysa-(OWN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa mar kale ka dayriyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku hagayo, waxa uu wal wal wayn ka muujiyay oo uu sheegay inay ka cabsi qabaan inay Somaliland ku dul burburto Madaxweyne Muuse Biixi oo uu gaadhsiin waayo doorashada dambe marka loo eego buu yidhi sida uu wax u wado.

 

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ka sheegay maruu warbaahinta Doraad kula hadlay Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in Xisbiyadda Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay hadda diyaar u yihiin inay gorgortan Siyaasadeed la galaan Madaxweynaha iyagoo ka shidaal qaadanaya xaaladda dalku kujiro, islamarkaana ay ogol yihiin inay qaataan oo ay soo dhaweeyaan waxa ay go’aamiyaan Saddex masuul oo uu sheegay inay Madaxweyne ku xigeeno kasoo noqdeen Somaliland kuwaasi oo ay ergo ahaan ugu direen Madaxweyne Muuse si  xal loogu helo ismarin waaga ka dhex aloosan Madaxweyne Muuse iyo Xisbiyadda siyaasadda ee Mucaaridka ah, taasi oo salka ku haysa qodobo door ah oo ay fulintiisa isku khilaafeen kuwaasi oo ay ka mid tahay in Xubnaha Gudida Doorashooyinka la kala diro oo kuwa Cusub la sameeyo ama Laba Xubnood oo kale oo Cusub Xisbiyadda Mucaaridka loogu daro.

Eng Faysal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa“Anagu haddii aanu isleenahay sidii tii Siilaanyo Nafta waad ku gaadhaysaan illaa doorashadda soo socota ha iska buluq buluqleeyee, Finland-baan iska tagi lahaa oo waan iska soo Nasan lahaa, ee waxani inay wada go’aan ayaan ka yaabayaa,oo waxaanu isleenahay Nafta ku gaadhi maysaan sida uu imika wax u wado illaa doorashada soo socota,  iyo inay isaga Somaliland israacaan oo ay burburaan, markaa haddana waxaanu u dirnay saddexdii Madaxweyne Ku xigeen, haddana waxaan idiinku bishaaraynayaa saw WADDANI-gaa ma arkaysid, anigu waxaan diyaar u ahay inaan WADDANI ka keeno Xal (Comprise), Waxay nimankaasi “Saddexdaa Madaxweyne ku Xigeen” noo keenaan waanu soo dhawaynaynaa, oo Doorashada uuni inoo dhacdo,Nafteenii weeyaan taasi, taasi ayaan idiinku balan qaadayaan insha ALLAH”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker