Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka IGAD ee looga hadlayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shalay aheyd sheegtay, inay soo dhaweyneyso kulanka lagu wado in madaxda urur goboleedka IGAD ay 18-ka bishaan isugu yimaadaan dalka Uganda, kaas oo laga hadli doono xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Africa ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, laguna baahiyay barta X ee horay loogu yaqiinnay Twitter, ayaa lagu yiri:

“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan. Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki ee ahaa, in la qaboojiyo colaadda Sudan lana wada hadlo isla markaana la helo xabbad-joojin iyo xal laga gaaro dagaalka ka socda Sudan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shirkan aanan caadiga aheyn ee madaxda ururkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker