Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo shir uga socdo Magaalada Jigjiga.

Jigjiga-(OWN)-Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maalintii labaad uu kulan u socdo Saraakiil sare oo ka mid ah ciidanka militariga Federalka iyo Sirdoonka Itoobiya  iyo Odayaasha dhaqanka.

Saraakiisha sar sare ayaa waxaa ka mid ah Jen. Xasan Ibraahim oo u qaabilsan Wasaaradda Difaaca Itoobiya dhanka Sirdoonka iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Bariga Itoobiya Jen. Balaay Sayuu.Kulankan ayaa wuxuu la xidhiidha amniga iyo rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay Jigjiga,

waxaa saraakiisha ay Odayaasha u sheegeen ujeedada Ciidamada Milateriga u soo farageliyeen arrimaha Kililka Shanaad iyo sidii xaalada loo dejin lahaa iyo in wadajir looga wada shaqeeyo amniga Gobolka.Saraakiishan ayaa u sheegay Odayaasha in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo carqalado ka sameysa deegaanka iyo cidii hub qaadata oo dibadda u baxdo.Odayaasha dhaqanka ayaa iyaguna raalli gelin iyo garawshiyo ka bixiyay dhibaatooyin loo gaystay kaniisado iyo mehrado ay lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyado aan Soomaali ahayn.

Kulanka socda magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay kulamo looga hadlayo xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaalada Addis Ababa ka socdo xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo kulan la leh dowladda Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker