Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Itoobiya

Addis Ababa(OWN)- Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre oo habeenkii labaad Caawa Booqasho ku Jooga Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaara Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

 

 

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa iska wareystay Xaalada labada Dal, waxeyna intaa kadib ka wada hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Kheyre, waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirkiisa QOrsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiir kuxigeenka arimaha dibeda iyo Safiirka Somaliya ee Itoobiya, Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro qodobo kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen balse uusan shaacin Xafiiska Kheyre, Qodobadaas waxaa kamid ah; heshiska DP World ay la gashay Somaliland oo 19% ay ku leedahay Itoobiya, Arinta Imaaraatka iyo Xiriirka Itoobiya ee Maamul Goboleedyada iyagoon soo marin Dowladda Dhexe.

 

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeer tagay Itoobiya, balse safarkan waa makiisii uhoreeyay tan iyo markii Bishii April la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Dr. Abiy Ahmed .

 

 

Kheyre, waxaa Itoobiya uga sii horeeyay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gogol xaar u ahaa socdaalka Xasan Cali Kheyre, Itoobiya ayaa galaangal soo jireen ah ku leh xaalada guud ee dalka, waxeyna Ciidmaadeeda oo katirsan Amisom ku suganyihiin Magaalooyinka Baydhabo, Baardheere Baladweyn iyo Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre Iyo  Ra’iisul Wasaara Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker