Dambiyada Naceybka Ku Salaysan Oo Sii Kordhaya Dalka Mareykanka+Akhriso Faah-faahinta.

Dambiyada naceybka ku salaysan ayaa sare u kacay dalka Mareykanka sida ku cad warbixin cusub oo la soo saary.

Dambiyada naceybka ayaa sare u kacay boqolkiiba 17% sanddii 2017,dalkaasi.

Waa sanadkii sadaxaad oo ay sare u sii socdaan dambiyada naceybka ku salaysan ,gaar ahaan weerarada naceybka la xidhiidha sida ay sheegtay hay’adda dambi badhista Mareykanka ee FBI.

Laamaha ammaanka ayaa waxay sheegeen in dambiyada la xidhiidha naceybka ay 2017 gaadheen 7,175 oo kiis,taasi oo ka badan marka loo barbar dhigo 2016 oo ay tiradu ahayd 6,121.

Warbixinta la soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka ugu badan oo ay arrintan saamaysay ay yihiin dadka madowga mareykanka ah iyo kuwa Yahuudda.

Warbixinta ayaa lagu xusay in weerarada naceybka ku salaysan 2017, lala bartilmaameedsaday 2,013 ah dadka madowga Mareykanka ah,halka 938 ay ka dhan ahaayeen dadka Yahuudda Mareykanka.

Sii haya xilka xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka Matthew Whitaker ayaa ku tilmaamay warbixintan “arrin wax ka qabasho u baahan ” waxa uuna cambaareeyay dambiyada naceybka ku salaysan.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in dambiyadan ay yihiin “kutumasho lagu tuntay qiyamka Mareykanka”.

Maxaa lagu ogaaday baadhitaanada?

Sida ku cad warbixinta 59.6% dhacdooyiinkan ayaa waxaa sabab u ahaa naceyb ku salaysan midib ama jinsiyad.

Dambiyada iyo weerarada ku salaysan diinta ayaa ah 20.6% halka dambiyada la xidhiidha dhanka jinsiga ay ahaayeen 15.8%.

Warbixintan iyo baadhitaanadan ku salaysnaa dambiyadii naceybka ee dhacay 2017 ayaa waxaa lagu xusay in 5,000 oo ka mid ah dambiyadan lala bartilmaameedsaday dadka ay yihiin cagajuglayn amaba gacan qaad.

3,000 ayaa ahaa kuwa ku salaysan burburin hanti iyo boob.

Dambiyada ka dhanka ah dadka Yahuudda Mareykanka ayaa sare u kacay 2016 37%.

Warbixintan cusub ayaa ku soo beegmaysa bil uun ka dib markii 11 qof oo Yahuud ah uu toogasho ku dilay nin hubaysan.

Bishii aanu soo dhaafnay 11 qof ayaa lagu dilay goob macbad ah oo ay dadka Yahuuda ah leeyihiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker