Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Doonyo Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysanayey Xeebaha Galbeed

Wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo Maareeyaha dekedaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Injineerka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Aafooyinka Qaranka, iyo Saraakiil kale oo ka socota xukuumadda Somaliland ayaa socdaal ay ku tegeen Xeebaha Galbeedka Somaliland, waxay ku soo mareen Xeebaha Bulla-Xaar, Ceel-Sheekh iyo Saylac, waxaanay weftiga oo safarkoodu dhinaca xeebaha ahaa uu qaatay saacado badan.

 

Haddaba, Weftigan ayaa markii uu gaadhey Magaalada Qadiimiga ah ee Saylac waxa si weyn u soo dhaweeyey masuuliyiin uu hor kacayey Badhasaabka Gobolka Salal iyo Saraakiishii Ciidammada Ilaalada ee ku sugnaa saldhiga Magaalo Xeebeedka Saylac.

 

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa muddadii ay halkaasi marayeen waxa ay hawlgalo ka sameeyeen xeebaha badda Somaliland, kuwaasoo ay ku soo qabteen labaataneeyo doonyood oo badda Somaliland si sharci darro ah uga kalluumaysanayey.

 

Sidoo kale ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa badda ku sameeyey dhoolatus ay wakhti dheer ku qaateen badda iyagoo gaaf wareegay xeebaha badda Somaliland oo ay habeen iyo maalin ba xil ballaadhan iska saaraan.

 

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkan, waxaanu yidhi, “Safar dheer oo Badda ah oo qaatay muddo laba iyo toban saacadood ah kadib ILAAHAY ayaa mahad leh oo na nabad keenay, waxaanu ahaa safar taariikhi ah runtii”.  Maareeyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Intii aanu safarkan ku soo jirnay waxaanu la kulanay Kalluumeysato sharci darro ah oo tallaabo adag uu ka qaaday Ciidanka Ilaalada Xeebuhu”.

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Gaashaanle Sare Ayaa isaguna ka warramay ujeedada Socdaalkan, “Socdaalkayagu waxa uu ahaa iskaashi ka dhaxeeya Maareeyaha Dekedaha iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha, iyo Annaga oo helnay weel la anfaca oo aanu ku dabar goyno Kalluumeysatada Sharci darrada ah, markaa waxay noqotay in aanu safarkii u horreeyey aanu idinka idin siino oo aanu dhinacan ugu soo baxno”.

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, waxa kale oo uu sheegay in ay socdaalkaasi kula kulmeen Doonyo si sharci darro ah uga Kalluumeysanayey Badda Somaliland, “Waxaanu la kulanay Doonyo badan oo labaataneeyo gaadhaya oo Naakhuudayaashii waanu ka soo dejinay oo qaarkood ayaa leh sharci ayaanu nahay, markaa wixii sharci ah iyo wixii aan aheyn waynu arki doonaa oo Badhasaabku goob joog ayuu ka ahaan doonaa oo dhammaanteen harreeraha ayeynu ka joogi doonaa”. Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha waxa kale oo uu sheegay, “Haddii ay Doonyahaasi sharci haystaan ku tacadiyi meyno, laakiinse waxaan filayaa inay u badan yihiin Macallimiintii iska imman jirtay Badda Somaliland oo dhegaha ayaanu ka jari doonaa”.

 

Ugu dambeyntiina, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa uu sheegay in ay u kicitimi doonaan dhinaca barri ee badda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker