Guddoomiyaha Wakiillada JSL Oo Culays Soo Food Saaray Meel Marinta Xeerka Ururrada

Kadib markii ajandaha golaha Wakiillada hor yaalla laga reebay dib u eegistii iyo go’aan ka gaadhistii Xeerka Axsaabta iyo Ururrada Siyaasadda ee Madaxweynuhu golaha dib ugu soo celiyey wakhti ay dhammaadka sannadka innagu soo aaddan ku eg tahay muddodii tobanka sano ahayd ee xisbiyada wakhtigan jira ayaa waxa arrintan ku kala qaybsan sharci-yaqaannada Golaha Wakiillada oo goluhu hore ugu diray in ay talo sharciyeed ka soo sameeyaan.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola Golaha wakiillada ayaa tibaaxay in qaab siyaasi ah ay uga faa’iidaysanayo arrintan Madaxtooyadu oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed caddaadis ku saaraysa sidii uu xeerkaasi ugu yaraan uga badheedhi lahaa oo golaha hor keeni lahaa inkasta oo aan la ogayn illaa heerka Madaxweynuhu doonayo in uu dhaqan gal noqdo xeerkaasi taasi oo Iyana dhinaca kale culays ku ah Guddoomiye Cabdirisaaq oo ka soo jeeda xisbiga ugu weyn xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI.
Ilo-wareedyadan xog ogaalka ah ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay daaha ka faydeen in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed aanu doonayn in ay Golaha iyo xukuumadda kaga kacaan dabaylo siyaasi ah oo ka dhan ahi haddii uu ka badheedho oo uu golaha ku hogaamiyo in xeerka Furista Ururrada siyaasadda uu dib u dhigo taasoo xildhibaanno badan iyo badiba dad badan oo siyaasadda danaynayaa ka hor iman doonaan halka dhinaca kale haddii uu taasi ogolaadona ay culays ku keenayso Hogaanka xisbiyada Mucaaridka oo aan wakhtigan diyaar u ahayn in xeerkaasi si sharci ah u dhaqan galo.
Tan iyo markii doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu dalka ka qabsoontay badhtamihii sannadkan waxa ay xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda KULMIYE geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleen sidii ay shir-guddoonka golahan ugu guulaysan lahaayeen balse markii lagaga guulaystay mar kali ah kuma ay qancin in ay shir-guddoonka sidaasi kaga samraan waxaanay mar walba ku dadaalayaan doc kasta oo siyaasi ah oo ay ka wareemaan Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga WADDANI waana ta keenaysa in ay culays wakhtigan ku saaraan arrin kasta oo saamayn taban isaga ku yeelan karta ama uu ku dareemi karo culays siyaasi ah maadaama uu isagu doonayo in uu kursigiisa ilaashado dhinacyadana isku wado.
Guddoomiyaha Wakiillada ayay ku adkaan doontaa in uu dhinacna ka raalli galiyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI iyo danihiisa siyaasiga ah dhinaca kalena ka raalli galiyo dhamaanba arrimaha ay daneeyayaasha kale ee siyaasadduba danaynayaan.
Wararkii ugu dambeeyey ee Golaha wakiillada naga soo gaadhayaa waxa kale oo ay sheegayaan in garyaqaannada Golaha wakiilladu ku kala qaybsan yihiin arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay arrintan imika hor taalla ee xeerka Axsaabta iyo Ururrada siyaasaddu waxaana la filayaa in ay soo saaraan aragtiyo sharci oo iska soo hor jeeda taasi oo murug hor leh galin karta qaddiyaddan aadka loo danaynayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker