Goobta Ganacsi Ee Ugu Adeeg Liidata Caasimadda Hargeysa !

Waxaa jirta odhaah reer galbeed iyo dunida suuq gaynta ka caan ah oo la yidhaa
“ MACMIILKU WAA BOQOR IYO MAR WALBA MACMIILKU RUN AYUU SHEEGAYAA”
Wax yaalaha igu kalifay inaan in badan ka aamuso gefafka goobtan ganacsi ka dhacay waxay ahayd iyada oo mulkiyadeeda leeyihiin madaxweynihii hore siilanyo iyo marwadiisa oo ixtiraam iyo sharaf naga mudan , Laakiin way ka maarmi wayday sababtoo ah sida loo la dhaqo macaamisha dakhliga badan soo galinaya iyo waliba lacagta adag ee dalku u bahan yahay goobtu aan ka hadlayaa waa ALI JIRDE HOTEL
Waxaa tiraba in ka badan toban jeer isoo gaadhay cabasho ka socota macmiil ka lacagta adag ku bixiya in uu helo adeeg u dhigma lacagta uu bixinayo “Macmiilku bilaash kuma degana hotelka”
Dad ka macmiisha ah ee degan hotel waxay ka yimadaan wadamo beni,aadam ka oo dhan ay u siman yihiin hotel-kan wax yaabaha uu macmiil kala kulmo waxaa ka mid ah in dad ka qarkood madaxa la saarto qaar ka kalena ay ka tuugan adeegii ay xaqa u lahayeen
Wixii ugu yaabka badnaa ee iga soo gaadhay hotel ka waxaa ka mid ahaa in laga soo cawday nin dawlada Xil ka haya oo la xidid ah mulkiilaha hotel-kan gaar ka loo leeyahay inay gaadhay inuu meesha ugu HANJABO macamiisha hotel ka “”MUUSE XASSAN OO AH GUDOOMIYAHA QUALITY CONTROL KA J/SL”
Macamiisha waxaa ka mid ah dad cilmiga siyaasada iyo bulshada iyo Cilmi-nafeed ka bani,aadamka bartay oo indheer-garad ah aragti ku garan kara waxa meesha ka socda sida Prof: Cali Khalif Galaydh iyo rag la mida oo garan kara sida meeshu u socota
Qaybta Securityga waxaa ku jira QAAR aan shaqada amaan ka iyo adeega macamiisha aan shaqo ku lahayn oo lagu naas nuujiyo ISMA Galaan ganacsi iyo qaraabo kiil
Runtii in badan ayaan is nidhi wixii qariya balse waa nala dhagaysan waayay waanay ka fursan wayday inaan dibada soo dhigno
adeega shaqaaluhu waa waxa qudha ee raali galiya macmiilka balse cadaadis mamul ayaa dusha kaga socda
La Soco Qaybaha danbe ……
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker