Daawo:-“ Meesha Lay Magacaabey Ee Madaarka Berbera Ma Aha Meel Shaqeysa ..” Maamulihii Hore Ee Madaarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa.

Hargaysa-(OWN)-Maareeyihii hore ee  garoonka diyaaradaha ee Cigal international airport   Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo uu shalay  xilkii ka qaaday maareeyaha Hay’ada duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sida uu u arko xil kaqaadista lagu sameeyay iyo sidoo kale xil kale oo loomagacaabay.

“Marka lagu magacaabo waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa in maalin maalmaha kamid ah xil kaqaadis lagugu samayn doono tiina shalay ayay timid xilka qaadistaana waan ku qanacsanahay waanan soo dhawaynayaa intii aan shaqaynayayna shaqooyin wanaagsan ayaan soo qabtay xilka in qofka laga qaadaana maaha wax cusub” ayuu yidhi isagoo waraysi gaar  ah siiyay Telifishanka Eryal.

Sidoo kale waxa la waydiiyay in uu aqbalay xilka cusub ee loo magacaabay oo ah maamulaha madaarka Berbera  waxaanu  sheegay in marka hore la iswaydiiyo in horta meesha loo magacaabay ay tahay meel shaqaynaysa , meeshan la ii magacaabayna maaha meel ku jirta gacanta Ha’yada duulista Somaliland ee waa meel lagu wareejay dawlada imaaraadka waana Milateri bays.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker