Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay gantaalada difaaca hawada ee Ptriot uu Mareykanka siinayo Ukraine iney Ruushka ka hor istaageyn inuu yoolki uu dagaalka ka lahaa inuu gaaro.

Taageerada ciidan ee cusub uu Mareykanku siiyey Ukraine ayaa waxaa la shaaciyey xilli uu Zelenesky uu booqasho ku joogo Washington.

Afhayeenka Krimilin Dimitry Peskov ayaa wuxuu mareykanka ku eedeeyey inuu dagaal dadban uu Ukraine uu u adeegsanayo uu ku wayo balse dagaalkaasi uu ku guuleysaneyn.

Peskov ayaa wuxuu sheegay Washington iyo Kyiv labaduba waa iney dhageystaan walaaca Ruushka uu qabo, oo ku kallifay inuu dagaalkan soo qaado.

Zelenesky oo Aqalka Koongreska Mareykanka la hadlay wuxuu sheyay iney Ukraine ay weli jirto weligeedna ay isdhiibeyn, kaalmada militariga uu Mareykanka siiyo Kyiv aysan ahayn samafal, balse ay tahay maalgelin lagu sameynayo ammaanka dunida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker