Barlamanka Puntland oo Mooshin ka keenaya Xukuumada Madaxweyne Siciid Deni

Iyadoo lagu wado in uu Sabtida maanta ah qabsoomo fadhiga saddexaad ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa waxa golaha ka dhex socda guux ku saabsan mooshin laga keenayo xukuumadda.

Xildhibaannada qaarkood oo xalay kulamo gaar gaar ah yeeshay ayaa isla soo qaaday in mooshin laga keeno xukuumadda madaxweyne Deni oo ay u jeedinayaan dhaliilo kala duwan.

Inkastoo aysan hadda jirin mooshin diyaarsan oo xukuumadda ka dhan ah haddana hadal-haynta la xiriirta in xukuumadda mooshin laga keeno ayaa ku badan xildhibaannada dhexdooda.

Ajandaha Baarlamanka Puntland oo la ansixiyay ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta la shaaciyo waxaana ajandaha kamid ah la-xisaabtanka xukuumadda.

Puntland Post.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker