Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ku Waajahan Ceelafweyn Iyo Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinta beri ah sida la filayo ku waajahan gobolada Sanaag iyo Sool oo ay ka jirto colaad.

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marka hore safarkiisa ku tagi doona degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo ay ka taagan tahay colaad u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah, halka marka danbana uu soo mari doono deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland.

 

Safarka Muuse Biixi ee gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta beelaha Garxajis oo muddo toban maalmood ah shir uga socday deegaanka Gacan Libaax ee gobolka Saaxil ay ka soo saareen qodobo qaar kamid ah lagu dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi.

 

Dhinaca kale bishii Janaayo ee sanadkan waxaa Tukaraq booqasho kedis ah ku tagey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wafdi uu hogaaminaya, kuwaas oo booqday fariisimada ciidamada Somaliland ee deegaankaas.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland ay ku barakaceen dad ka badan 12 kun oo qof, waxayna labada dhinac uga baaqday in aanay colaad kale hurin.

Related image

Oodweynenews Newsdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker