Shabaab oo sheegtay inay dagaal ku qabsatay hub iyo gaadiid uu Turkiga bixiyey

Jowhar (OWN) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal xoogan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Agagaarka degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka oo ka dhashay weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ay tababartay dowladda Turkiga uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi.

 

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andaluus ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Taaw ah.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa tilmaamay in hubka iyo gaarig
a ay qabsadeen uu ahaa kuwii uu Turkiga dhawaan siiyay ciidamada Soomaaliya ee uu soo tababaray.

 

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

 

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay khasaaro xoog leh aarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qabsadeen tuulada Ceelgub oo saldhig u aheyd muddo fog dagaalyahannada kooxdaasi.

 

Sidoo kale waxa ay saraakiishaan oo uu horkacayo taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Genaral Maxamed Cali Bariise ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub
ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhexe,

 

 

gaar ahaan degmada Cadale, waxaana dhowaan halkaasi gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dagaalyahannada Al-Shabaab oo iyana ku xoogan dhulkaasi ayaa sameeyey dhaq dhaqaaq cusub, si ay uga hortagaan howlgalka cusub ee ciidamada dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker