Saddex Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Puntland

Weriye iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaadiid oo ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Nuur Jaamac Aadan oo ahaa weriye samafale ah, hooyadiis iyo walaashiis ayaa ku geeriyooday shil ka dhashay labo gaadhi oo mid kuwa xamuulka qaada yahay midna kuwa raaxada yahay oo isku galay aaga tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

Meydka saddexda marxuum ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, welina shilkaas wax faahfaahin ah kama bixin saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaana la sheegaa in ay u sabab tahay wadayaasha gaadiidka oo xirfafoodu yar tahay iyo burburka waddooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker