CULIMADA SOMALILAND GOORMAY SAXANYIHIIN, GOORMAYSE KHALDAN YINIIN. HADDAAD TACADDIYADA HABLAHA LAGU HAYO TALO KA KEENI WAYDAAN MIYANAY AHAYN IN LA IDINKU DUL TALIYO.

xukuumadda iyo wasiirku way garawsadeen in dib loogu noqdo.. waxaa la yaab leh culimada intooda badan oo aan diinta mufti ku ahayn oo qudhoodu khalad badan iskaga dhacaya. Ta koowaan fatwa waxaa sameeya culimo maqaam kulmiya oo diimeed leh. sida jaamicadaha dunida ugu waaweyn sida alazhar.

 

Shayga dhaca ma ku koobmayo arrin soomaali. sida culimada qaar sheegeen. waa arrin caam ah. waa fal ummadda muslinka ah dhex taala. sheeko soomaali ma noqonayso. culimada soomaalida heerka uu doono diinta ha ka joogee…hargaysa waxuu nin sheekh sheegtay oo daahir la odhan jiray sino ku xukumay shan haween ah oo wax ka sinaystay iyo goobjoog midna la haynin.

 

Hargaysa ayaa shacbigeedu dilkii ka qayb qaatay, oo fuliyay. waxaa burco gurigeedii oo dukuaan ahaa lagu dumiyay haweenay, oo ku dhex dhimatay, markii wadaad masaajid tukinayay maalin jimce ah khudbaddii salaadda ku iclaamiyay inay khamri ku gaddo. markii salaaddii dhammaatay waa lagu dareeray dil rajmi ah ayaa lagu fuliyay, dhagaxii lala dhacaayay gudaha dukaanka ayay ku dhex dhimatay.

 

Culimadu  maalin keli ah kamay hadal manay qoraal ka soo saarin dhacdooyinkaa foosha xun. dadka qaarkii haddaad wayddiiso waabay yaabayaan. oo waxay ku odhanayaan wax dhici kara maaha. maanu maqan. iyo wax sidaa u eg ruuxna ma fiirsadeen. haddaba way dhacday.arrimahaa kubeen abuurashada diinta ee qof  islaama nolosha looga tirtiray  inuu sii dhex joogo.. maaha wax ciyaar ah  iyo wax fudud.

 

Culimadu bal dib ha isugu noqdaan oo inta ay wax dhaleecaynayaan  xukun ha ka soo saaraan ay isla oggol yihiin arrimahaa,  oo ha geeyaan jaamicadaha waaweyn  ee sida alazhar, oo wax cad  hala yimaaddaan.

 

Culimadu waa kuwa soomaalida eh, hakala saaraan waxay kufsi ku tilmaamayaan iyo waxay sino ku tilmaamayaan. ha caddeeyaan in kufsiga iyo sinadu isku mid yihiin iyo inkale. culimadu ha sheegaan ruuxa qaangaadha ee caqligiisa qaba ee golmo la sameeya ruux kale oo aan meher ka dhaxaynin, oo aan xiskiisu dhammay, ama aan qaangaadh ahayn, inay sino tahay iyo inay kufsi tahay.

 

Culimadu ha sheegaan ruux ama koox qaangaadha, oo xiskiisa qaba, oo kufsi ku sameeya iyagoon  meher dhex oolin ruux kale oo qaangaadha oo miyir qaba, ama ruux qaangaadha oo aan miyirkiisu dhammayn, ama ruux aan qaangaadh ahayn oo miyirqaba ama aan xiskiisu dhamayn..

 

waxaa jira culimo badan oo diinta wax badan ka yaqaana, waxaa iyaguna jira qaar kamaradaha isu dhiga oo marka ay golekafuulka ku macaantay arrintu  laabta lula oo iska qiiraysiiya.. haddaba culimadu arrimahaa hasoo kala caddeeyaan. siday u arkaan . haddii kale . ha keenaan arrin walba waxay xukunkeeda ku tilmaamayaan, iyo xalka ay u hayaan maaraynteeda.

 

Fallaagada, budhcadda, dhuljiifta(qaadiculdariiq), argagixisada, intaasi oo dhammi jiritaanka nolosha ayay ka horyimaaddaan, waxay warwar geliyaan deggenaanshaha ummadda, xukunkooda waa in dhulka laga tirtiraa . sida diintu dhigayso. culimada qaar waxay sheegaan in la dilo, qaarna waxay sheegaan in bulshada laga dhex saaro, sida xabsi daayin, si aanu bulshada u fidnayn. ama loogu dayan fasahaadka uu barayo bulshada.

 

Kufsigu miyaanu arrimahaa hoos tagaynin. mise wuu ka sahlan yahay, oo wiilka gabadh kufsada ee aan xaas lahayn waxaynu odhanaynaa waa sino. oo boqol jeedal  intaynu ku dhufano ayaynu bulshada kusii dhex daynaa.. kadibna aynu ka dhaxallaa kufsi wadareed. oo boqol jeedal xulunkoodu ku dhamaanayo.

 

Mise waxaynu hadhaw  dembi saarnaa wiilka walaashii la kufsaday ee dhagarqabihii kufsaday walaashii uu madaxa ka toogto.

 

Maxaa qurux badan maxaa fool xun maxaa sax ah, maxaa qalada.. culimadu garaadkooda ha kordhiyaan. oo markay arrin diidaan, ha keenaan beddelkeeda oo sheegaya xukunka kasii fiican kay diidaan, ee ummadda dhaqaya.

 

Talo xumadu marbay marbay ka fiicantay talo la’aanta.

 

Rabbi ta san hayna garansiiyo.

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker