Hogaamiye yaal Ka Tirsan Kenya oo Gaadhay Ismaamulka Gaarissa si ay u Xaliyaan Xurgufta u Dhaxeysa Qawmiyadaha Somalida iyo Borane

Gaarissa:-(OWN) Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr William Ruto iyo madaxa golaha aqlabiyada barlamaanka Aden Bare ducale ayaa Goor dhoway waxaa ay gaadheen magaalada madogashe ee degmada Lagdera ee dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari kenya.

Hogaamiye yaashaan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweyay halkaasi iyaga oo ka hadli doono xurguf maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay qowmiyadaha somalida iyo Borene -ta kuwaasi iskuĀ  haya xadka ay wadaagaaan Isiolo iyo Garissa.

Madaxdaan ayaa Waxaa ay sidoo kale inta ay ku sugan yihiin halkaasi ay indha indheyn ku sameyn doonaan Mashaariic hormarineed oo dowlada kenya ka wado halkaasi halka kuwa kalena ay daah furi doonaan.

Xadka ay wadaagaan Isiolo iyo Garissa ayaa Todobaadkii hore waxaa lagu dilay sadex ruux oo samali ah kadib weerar ay ku soo qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyada Borane.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Nabed Gelyada Degmada Dadab Omar Abdi Garene oo Hor dhac u ahaa Wafdigaan oo La Hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay Ka shaqeynayaan sidii Loo soo Afmeeri lahaa Xurgufta u dhaxeysa Somalida iyo Boran-ta ee Ka taagan Garissa iyo Isiolo.

Xurgufta labada Dhinac ayaa waxaa ku barakacay 250 Qoys,iyadoo Hogaamiye yaasha Garissa ku eedeyay Arintaan Xildhibaanka Laga soo Doortay Koonfurta Isiolo oo hadalo kicin ah jeediyay Ka hor inta aan dilalka loo geysan sadexda ruux ee somalida

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker