Faahfaahin ka soo baxaysa mas’uuliyiin ku dhintay dagaalkii shalay ee gobolka Mudug

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeelow oo ka tirsan gobolka Mudug ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka magaalada Gaalkacyo iyo sarakaiil ciidan.

Mas’uliyiin deegaanka ah oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Afyare oo ahaa xoghayihii degmada Gaalkacyo iyo taliyihii ciidamada xasilinta gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Cali Naasiray ka mid noqdeen dadka dagaalka ku dhintay.

Dagaalka shalay dhacay oo ka mid ahaa dagaalladii ugu cuslaa ee dhexmara ciidamada dowladda oo tagaeero ka helaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-Shabaab ayaa saacado badan la isku ridayay hub culus, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhawaac soo kala gaaray dhinacyada dagaallamayay.

Inkastoo saaka deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ee gobolka Mudug uu xaalkoodu degganyahay haddana mas’uuliyiinta aaggaasi ayaa sheegaya in iyagu ay halkaa joogaan isla markaana ay Al-Shabaab halkaa ka saareen ayna gaarsiiyeen khasaare xooggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker