Siddeed neef oo geel ah Oo Lagu Arkay Waddooyinka Madrid Ee Dalka Spain

Siddeed neef oo geel ah ayaa lagu arkay iyagoo dhex socda waddooyinka caasimadda Spain ee Madrid, aroortii hore ee shalay iyagoo ka soo baxsaday xeradii ay ku jireen, sida laga soo xigtay booliiska.

Geela ayaa lagu arkay koofurta degmada Carabranchel, oo ah meel u dhow xeradii ay ku jireen.

Booliiska ayaa markii dambe isku dayay in geela oo nabad ah lagu celiyo xeraddooda.

Madaxa xarunta Circus Mati Munoz ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in derbiga siligga ah ee xerada ku wareegsanaa uu go’ay sidaasna uu geelu ku baxsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker