Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Saldhig Cusub oo Laga Sameeyay Gobolka Sanaag

Hargeysa (OWN) – Taliyaha  ciidamada milatariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, Sareeye Guuto Muuse Jaamac ayaa maanta xadhiga ka jaray saldhig cusub oo uu maamulkaasi ka furtay deegaanka Baraagaha ee gobolka Sanaag.

 

 

Saldhigga oo ah mid ballaadhan ayuu taliyuhu sheegay in la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa milatariga ee Somaliland.

 

 

Ciidamada la geynayo saldhigan ayaa waxa uu sheegay in lagu dari doono ciidamadii kale ee horey ugu sugnaa gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, islamarkaana saldhiggaas cusub ay ku xoojin doonaan howl-galalada gobolkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqyada cusub ka bilowday Sanaag ayaa ku soo aadaya, xilli ay weli gobolkaasi ka jirto xiisad maamulkaasi kala dhexeyso dowlad goboleedka Puntland.

Somaliland iyo Puntland oo marar badan dagaalamay ayaa in muddo sando ah isku maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker