SHEEKADII GUURKII ITAAL-FARALE(HORSE POWER) EE WADANKA INGIRIISKA QAYBTII 3AAD.

Mudadii shirkadda, caailadda gabadha a Elizabeth iyo caailaddii DHEXDEEDA ay hawshu dhex miraneysay ee gees aha la is wada sudhey, inantuna dagaal nafteeda hura ugu jirtay siday ninkaa ITAAL FARASLE ULA aqal geli lahayd isagu a murugo iyo civil buu ku maqnaa maxaa yeelay shaqadiisii iyo noloshiisiiba Xaaladdu way taabatay marmar a waxaa qalbigiisa ku soo dhacayey in arintu la mid tahay xalaala dii ku dhacday ‘lady Diana’ oo kale oo ay naftiisu halis ku jirto ayuu dareemayey. Siday nu wada ognahay taariikhda adduunka in badan baa lagu xardhay in ummadda Somalida 10kii qof ba afar ay Hal Abuura oo gabayo iyo heeso ay ka soo burqadaan afkooda. ITAAL FARASLE oonaan ku OGAYN hal abuurnimo ayaa galab aan la joogay ku guuxay heestan uu dareen kiisa ka turjumayey.

MURUQ IYO ITAALKII
NIN XOOG GIISA MAALOO
WAXAAN AHAA MASHQUULEE
MUU ADIYO CAASHAQAN MEHERADAYDII SOO GALAY
WAA MASALO LA YAABLIYO
TU LA ILA MAAGEE
MACMIISHII MA EERSADAY
ANOON MADAX BANNAANAYN
HALKUU JACALKU ILA MARAY
TAARIIKHDA MEERTAA
MAR LA BAAD WAREEGTOO
HOADAN IYO MARLAYDII
WAA MAQAAMKII BOODGARI.
MAAMUUS QUSHUUC BADAN
NAF JACAYL MAGAWDAA
UGU MUHASHA WEYNLEE
DADAW MA I MAQLAYSAAN
MURTI CAASHAQAN IGA DHURA.
MAALINTIYO HABEENKII
RUUX AAN UGA MAQNAANAYN
OO HADANA I MOOGBAA
DHEXDA IIGU MARANOO
WAY II MUUQATAAYOO (waa taa Elizabeth)
KALGACAYLKU IGU MUDAN.
INTAAN IDHI KA MEERMEER
WAXAAN JIRIN IS MOODSII
MADAXIIBA KAMA BAXO
CAASHAQII WUU MADAX DUMAY
MUDDO WAXAAN QARSANAYAA
MASAARIIFTII NOLOSHIYO
MACA NAASKII DUMIYEE
ARIN MUFTAAXIYO
WUU LEEYEY MAAREE
MACAARIIFTA QAARKOOD
AAN MURAADKAN ULA TAGO
MACDAARKA IYO SHAQADAAN
UGU MAGACA DHEERAA
MUDNAANTAYDII KALA DHIMAN
MEERMEERIS HAWL GABAY
MURAAQADA XUSUUSTA LEH
DHEX YAR LAGA A MAARMAAN
MAWJADII HAWEENKAA
DURBA MEEL FOG ILA TEGEY
TAARIIKHDA MEERTA
MAR LA BAAD WAREEGTOO
HOADAN IYO MARLAYDII
WAA MAQAAMKII BOODGARI.
Reer kii Inanta iyo shirkaddii waxay soo diyaar gareeyeen hotel kii Hilton, baqbaqdii iyo kharash kii, waxaana la yidhi Somaaliyey idin naftiinuun xafladda is KEENA ninkii ITAAL FARASLE na gaadh RR(official Rolls Royce) subaxii lagu qaatay. Anigu waxaan soo qaatay lebiskii DHAQANKA Somaliga ee ahaa laba go oo cad ka a cagba caga hadhuub, hangool kiishadii kontameeyadii la xidhan jiray Somalidii kale SE Suudhkii gaalada ayey soo xifheen wax dumara oo Somaliyi may kasoo qayb gelin. Aroosku siduu u dhacay sida aroosyadeena waayo intaynu dhaqankeennii ka tagnay baynu sida gaalada u dhiganaa oo keeggii iyo Suudhkii intii uun Bay ahayd. Markii arooskii dhammaaday waxaa gurigii isugu soo hoyday afar shay oo isku cusub on weligeed hore isugu iman ITAAL FARASLE noloshiisii hore iyo gabadhaba iyana ma arag. ITAAL FARASLE islamnimadiisu (the set of rules of Islamic principles) aad Bay u afkayd weligii a Salaadi kama tegin. Iimaankiisu wuu dhammaan iyo ihsaan kiisa dhamaystiray, si adag na wuu cibaado gudan jiray. Elizabeth waxay ahayd good christian living in harmony, hooyadeed kiniisad aad u tegin jirtay.
Gurigii waxaa isugu timid ITAAL FARASLE oo aan Salaadi ka tegayn, Qorankana aad u akhrista iyo xaaskiisii cusbaa ee Elizabeth oo dhawr digree haysta waxna aad u akhriday oo maskax furan, iyo eygeedii weynaa oon SINABA uga hadhi jirin iyo biblekeedii. Laba DHAQAN oo aad u kala fog waxa qudha ay wadaagaan waa jacaylkoodii.
Markay AROOS ka baxeen ee telephone dii iyo cagtii yaraatay waxaa bilaabantay DOOD diimeed oo hor leh. Maalintii dambe markay qadeeyeen ayaa ITAAL FARASLE aroosaddii hadal ku tuuray ilayn sacbaa-raaf dambe-ku hayee oo yidhi xaaskiisii Christian ka ahayd naa bal KAALAY diintaada wax iiga sheeg iyana markastuu tukanayo wey daawan jirtay oo aad Bay ugu gaajoonaysay in DOOD diimeed DHEXDOOD a ka furanto. Isna hoos hoos waxay niyaddiisu u lahayd (INNAL DIINA CIDDA LAAHIL ISLAAM). MARKIIBA GABADHII Elizabeth oo koonkoonsan baa jawaaba la soo boodday oo tidhi ILAAHAY WUU JIRAA, JISUS NA WAA INA ILAA IYO HOLY SPIRIT SEDDEXDAA ILAA BAAN RUMAYSNAY, ninkii ITAAL FARASLE wuxuu yidhi ‘SUBXAANALAAH’. Markaasuu ITAAL FARASLE la soo booday kitaabkiisii QORANKA ahaa iyo kitaabkiisii kale ee SHARXUL THALAATHAL USUUL OO HALKA IS DULSAARAN. Markaasay Elizabeth na la soo boodday Bible keedii (Masonic) ga ahaa markaasaa DOOD qanjaha Joogta mida gees kasoo xumbeeyey. ITAAL FARASLE wuxuu hadalkiisii ku bilaabay ‘BISMILAH, LAA ILLAAHA ILALAH, MOHAMADU RASUUL LAAH’. Wuxuu raaciyey Muslim baan ahay Allah baan RUMAYSNAY iyo Rasuulkiisii Mohamed (scw), Allah waa keligii, waxba ma dhalo lamana dhalin wax la nooci ma jiraan waana keligii oo xummaanta oo dhan ka nasahan, markaa aad Bay Elizabeth hadaladiisa u dhuganaysay oo dibnihiisay indhaha ku haysay. Elizabeth oo raagsanaysay inuu hadal ka baxo ayaa soo boodday oo tidhi ILAAHAY waa mid hadana waa seddex. ITAAL FARASLE ayaa isagoo isla baraad la kor u booday oo istaagay isagoo Subxaana-lah leh. Markaasay Elizabeth ku tidhi fadhiiso adigaa inoo chairman ahe waxay raacisay kaftan cilmiyeysan oo tidhi (chairman waxa chairman loogu bixiyey inta shir socdo kursiga kama kici karo), markaasuu ITAAL FARASLE badhidiisii kursigii ku celiyey. Waxay tidhi waxaa jira wax la yidhaa seddexdaa ilaah (Trinity) oo kelmad habeenkaasi ugu horaysay maqalkeeda. Wuxuu yidhi ITAAL FARASLE naa bal iga dhaadhici Ilaahay hadduu mid yahay siduu hadana seddex u yahay, wuxuu ku adkeeyey Ilaahay hadduu mid qudha yahay siduu hadana seddex u noqday, caqliga binu Adamka maba gelayso waxan Bible kaagu ku sheegayaa (Trinity is very confusing thing). Elizabeth waagii markuu BARYEY Bay u tagtay baaderigoodii, waxay a uga sheekaysay guurkeeda cusub iyo ninkeeda Muslimka ahaa. Badarigeedii intuu madaxa luxay buu ku yidhi Muslim waaba guure markaad aragti qof Muslim ah cagaa wax ka day oo baxso, waa dad sida masaabiirtu wax u muddo ayey Christian ka u mudaan, dunida way ku warxaan naa xero jin baad gashay uu ku yidhi Baaderigii.
QAYBTII 4AAD BAA SOO SOCOTA WAX YAAL YAABLI DHICI DOONAAN.
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker