Ujeedada Kulan Ay Isugu Yimaadeen Aqoonyahanno Iyo Siyaasiyiin Reer Somaliland Ah Iyo Nuxurka Bayaan Laga Soo Saaray

Xubno isugu jira Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaamada Somaliland ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo sheegay in Ciidamo u goostay Puntland ay kamid ahaayeen Askar aan dalka Daacad u ahayn oo khiyaamayey Qaranka.

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen shalay Aqoonyahannadan iyo Siyaasiyiintan, goob-joogna ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu soo qabanqaabiyey kulankaasi iyo Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa laga soo saaray baaq hadalkaasi taliyaha lagaga raaligelinayo Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Bulshada ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Kulankaasi waxa hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal iyo Cabdilaahi Geel-jire oo kamida Siyaasiyiinta madaxbanaan, horena uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo jeediyey hadallo muujinaya walaac ay ka qabaan majaraha Siyaasaddeed ee dalku ku socdo.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal oo ugu horreyn halkaasi ka hadlaya ayaa ka warbixiyey dulucda kulankani.

“Statement uu sii daayay taliyaha ciidammadu oo dadka reer Somaliland ay aad iyo aad uga gilgisheen inay innagoo caan ku ahayn inaynu xumaanta iska qabano, gefka iska raaligalino inaynu tusno inaynu arrintaa aad iyo aad uga xunahay cod midaysan aanu ku muujino raalingelin innagoo reer Somaliland ahna oo aanu nidhaahno raali ahaada deegaankii uu hadalkaasi ku socday, inkasta oo aannu carrabka ku dhufan haddana waa la iska garanayaa halka ay ku socotay.” Ayuu yidhi faysal cali-waraabe

Waxa halkaasi qoddobadii iyo bayaankii ka soo baxay kulankaasi ka soo jeediyay siyaasi Cabdillaahi geeljire.

Waxaanu u dhignaa sidan:

“ Halkan waxaanu ku soo gudbinaynaa baaq oo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta reer Somaliland oo ku wajahan xaaladda deegaanada bariga Sanaag.

Somaliland waxay ka unkantay, ku dhisan tahay weliba ku taagan tahay ogolaanshaha iyo ku qancidda loo siman yahay ee dadka wada leh.

Somaliland waxay ku tanaaday oo ku taabagashay, nabadda ay si wadajir ah u ilaashadaan, wixii nabadda dhib ku yimaadana waxay u mareeyaan si niyad-wanaag leh iyo wadajir

Somaliland waxay dhaqan ka dhigatay inay iska dhagaysato cabashooyinka ka yimaada bulshooyinkeeda ku nool gobolladeeda kala duwan, iyadoo wanaag ku qaabisha.

Arrimahaas oo dhami waxay salka ku hayeen oo xididkooda waraabiya, madax iyo dadweynahooda oo aan kala qoqobnayn, kalana go’nayn, iska warqaba, talo-wadaagna ah, dalkana aan kala sheegan.

Waxa aanu qabnaa oo aanu halkan ku muujinaynaa, inuu maanta jiro warwar weyn oo ka dhashay in arrimaha iyo dhaqankaa maamul, maarayn iyo siyaasadeed ee kor ku xusan ay gees marayso xukuumadda maanta talada haysa, annaga oo ka galiilyaysan hadalkii ka soo yeedhay toddobaadkan taliyaha ciidammada jamhuuriyadda Somaliland, sareeye gaas Nuux Ismaaciil taani ee uu ku tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inay kooxo ka mid ah ciidankiisu ee uu taliyaha ka yahay gacanta u galeen dal kale oo duulaan ku ah jiritaanka Somaliland, waa maamulka Garoowe ee Puntland, kana mid noqdaan ciidankooda. Iyo siduu u faray ee uu tilmaamay inay kuwo kalena ay ka dabatagaan, isagoo loo fahmayo inuu farta ku fiiqayo kuwa ka soo jeeda deegaano gaar ah, sheegayna inaan loo baahnayn. Arrintaas oo gilgishay dareenka wadaniyadeed, walaalnimo iyo wax wada lahaanshiyaha ummadda reer Somaliland ee ku cad distoorka jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana joojisay qorshihii iyo dedaalkii soddonka ku dhawaadka la waday ee maamul-fidinta iyo soo oodidda xuduudaha qaranka bariga.

Waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, inuu arrintaa isagu isaga oo ummadda matala xaal ka siiyo ummadda reer Somaliland, gaar ahaan kuwa loola jeeday ama loo fahmayay in loola jeeday hadalkaa suntan ahaa.

Annaga oo fursadan ka faa’iidaysanayna, waxa aannu leenahay wixii dhacay aad baannu uga xunahay, waanan idinka raaligalinaynaa.

Waxa aannu soo jeedinaynaa in barnaamijka iyo hab-dhismeedka iyo habka loo maamulo ciidammo-beeleedka la qarameeyo had iyo jeer ee ahaa xundhurta arrintan dhiilada keentay ee taliyuhu ku dhawaaqay, in la badalo

Waxaan usoo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in ciidamada noocaas ah si toos ah loogu daro oo loogu qarameeyo ciidammada qaranka ee rasmiga ah oo ay la sed iyo safba noqdaan oo aanay ahaanin qaar beelna ahayn, qarana ahayn oo aan meelnaba haysan.

Waxaanu si buuxda u taageeraynaa shirka nabadaynta ee ay gogoshiisa fidisay beesha habar-jeclo ee ay u fidisay beesha gar-xajis, shirkaas oo aanu u aragno inii dawo u yahay colaadaha ku soo noqnoqonaya gobolka sanaag, isla markaana  wax weyn ka tari kara degenaanshiyaha guud ee dalka.

Waxaanu uga digaynaa maamulka Garoowe ee Puntland inay arrimaha Somaliland faraha kala baxaan oo ay u joojiyaan si aan daahis lahayn xasarada iyo xaalad abuurka joogtada ah ee ay ku hayaan gobollada bari ee jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu si buuxda u taageersan nahay difaaca xuduudaha qaranka ee xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ay masuulka ka tahay.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker