War Deg Deg ah: Hogaamiyihii Khaatumo Pro Cali Khaliif oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhawayd halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeydh.

 

 

Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa   xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Waxaa wararku ay sheegayaan in uu u geeriyoday Xanuun kusoo booday marxuumka, xilii uu joogay Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida itoobiya.

 

Marxuumka ayaa horay waxaa uu xilal uga soo qabtay Dalka Soomaaliya, waxaana mar uu ahaa hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatuma State oo ka arrimin jiray Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana uu Soomaaliya uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa intii u dhaxaysay  8-dii October 2000 ilaa 28-kii October 2001-dii.

 

Cali Khaliif Galayr waxa uu 15-kii October 1941-kii ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,  waxaanuu  waxbarashadiisa heerka jaamacaeed ku qaatay dalka Mareykanka, isaga oo shahaadada bachelor-ka ee culuumta siyaasadda ka qaatay Jaamacadda Boston University 1965-kii.

 

Waxa uu sidoo kale shahaadada Master-ka ee maamulka dadweynaha (M.P.A) iyo tan PhD ka qaatay Jaamacadda Syracuse ee gobolka New York.

 

Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehelkiisa iyo qaraabadii uu ka baxay  Aamiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker