Haanta Lagu Qalajiyo Gacmaha Oo La Xaqiijiyey Inay Soo Nuugto Bagteria-da Suuliyada !

Daraasad cusub oo ay soo bandhigeen khubaro ka tirsan jaamacada connecticut ee Dalkaasi Maraykanka ayaa waxay dhawaan soo saareen digniin ka dhan ah Qalabka lagu xidho Suuliyada iyo sidoo kale meelaha gacmaha lagu meydho amase lagu faraxasho ee Hudheelada waaweyn ee lagu qalajiyo gacmaha.

203887Image1Khubaradan ayaa sheegay in haamaha yaryar ee naqaska soo saara ee lagu xidho goobahaasi ay Suuliyada ka soo jiitaan Bagteria-da kala duwan ee halista ah.

Khubaradani waxay xaqiijiyeen in qalabkaasi loo adeegsado qalajinta gacmaha ee xambaarsan Bagteria-da isla markaana aanay dad badani ogeyn uu sababayo Shuban biyoodka waxaanay arrintaasi ku cadeeyeen baadhitaano ay ku sameeyeen goobo badan oo haantaasi ku xidhantahay waxaana uga soo baxday natiijadaasi halista ah.

Dad aad u tiro badan ayaa aaminsan in Haantaasi lagu xidho gidaarada suuliyada iyo sidoo kale goobaha lagu faraxasho uu yahay mid ay ilbaxnimo ku dheehantahay oo ay nadaafadiisu aad u sarayso, taasoo ah waxba kama jiraan sida ay khubaradaasi inoo xaqiijiyeen.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker