Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Ayaa Billad-Sharaf Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Hargaysa:( OWN)- Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID,ayaa manta waxay billad gudoonsiiyeen Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda,Farxaan Aaddan Haybe.

Munaasibad kooban oo ka qabsoomtay Xafiiska Gudoomiyaha,ayaa waxay saraakiisha Xisbigu sheegeen  inay arrintani ka dhalatay qiimayn uu Xisbigu ku sameeyay Masuuliyiinta Xukuumadda,isla-markaasna uu Banrnaamijkani soo jiray tan iyo sannadkii 2004-tii,Barnaamijkaas oo lagu magacaabo UCID AWARD,kaas oo ay doonayaan in lagu dhiirigaliyo qofka Dawladda ka tirsan ee wax-qabad muuqda la yimaada inta uu Xafiiska joogo.

Saraakiisha Xisbigu waxay sheegeen in arrimaha Xisbi ahaan soo jiitay ay ka mid yihiin qorshaha balaadhan ee ay haatan haya’addu ku hawlantahay ee Hawl-gabka shaqaalaha,kaas oo la hirgalinayo sannadka soo socda ee 2021-ka oo noqonaya markii ugu horaysay ee Somaliland barnaamijkaasi ka hirgalo.

Waxa kale oo uu Xisbigu ku ammaanay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Daah-furnaanta Imtixaanaadka loo galo fursadaha shaqo ee Laamaha Xukuumadda kasoo baxa iyo qodobo kale.

Dhinaciisa Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ayaa ka dareen-celiyay biladda uu Xisbigu gudoonsiiyay.

Waxa uu sheegay in Qaran-ahaan waxa inaga qabyadda ah iyo inta qabsoomtay aad u kala fog yihiin,balse ay talaabadan uu Xisbigu qaaday ay dhiiri-galin u noqon doonto inay sii labban laabaan dedaalkooda ku aaddan kor-u-qaadista adeegyadda ay Bulshadda u hayaan.

Gabo-gabaddii waxa  uu uga mahad-naqay Masuuliyiinta Xisbiga UCID go’aanka ay ugu garteen inay guddoosniiyaan Billad-sharaftaas.

Gudoomiyaha ayaa waxa munaasibaddaas kooban ku wehelinayay Gudoomiye Ku-xigeenka Haay’adda Shaqaalaha,Cabdikariim Maxamed Cali.

Dhinaca Xisbiga UCID ,waxa hogaaminayay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,waxaana wehelinayay Xog-hayaha arrimaha Bulshadda,Maxamuud Saleebaan Ramaax,Xog-hayaha Warfaafinta,Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Xog-yahaya Xidhiidhka Goboladda iyo Degmooyinka Cabdiqani Salaf.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker