Mareykanka oo ka walaacsan Saaxiibtinimada dhexmaraysa Wadamada Turkiga iyo Ruushka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga Walaacsan tahay warbixino sheegaya in Dawlada Turkey ay waddo dadaallo hor leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada  dhanka Wadanka Russia.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Morgan Ortagus ayaa wakaaladda wararka Ee  Reuters u sheegtay in Washington ay sii waddo inay “si joogto ah” u diidan tahay iibasashada Turkeyga ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

 

 

“Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga walaacsannahay warbixino sheegaya inay Ankara waddo dadaallo ay hubkaas uga dhigeyso kuwa howl-gala,”ayey tiri Ortagus.

 

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan sida ugu sarreysa u muujinno in howl-galinta habka difaaca gantaallada ee S-400 ay horseedi doonto Cunaqabateyn ka dhan ah Turkey, ayada oo la eegayo Xeerka CAATSA, islamarkaana ay caqabad ku noqon doonto xiriirka labada dal iyo kan NATO.”

Ortagus ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in madaxweyne Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkey ay fahmi doonaan mowqifka Mareykanka.

 

Turkeyga ayaa marar badan horey ugu cel-celiyay inaysan joojin doonin iibsashada iyo adeegsiga habka difaaca gantaallaha ee S-400, islamarkaana ay u Madax-banaan tahay go’aan ka gaadhista arrimaheeda gudaha.

 

Hase yeeshee Mareykanka iyo NATO, oo Dawlada Turkiguna  xubin ka tahay, ayaa ku dooday in howl-galinta barnaamijkaas ay keeni karto in Russia ay hesho sirta NATO, maadaama qalabkaas uu la fal-geli doono qalab NATO ay leedahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker