Dhakhaatiir U Dhakatay Dalka Kuuba Oo Lagu Afduubatay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Mandhera (OWN)-Dabley hubeysan ayaa magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ka afduubtay dhakhaatiir Ajaanib ah oo howlo samafal u jooga gudaha dalka Kenya . Dhakhaatiirta oo tiradooda lagu sheegay labo dhakhtar ayaa dableyda hubeysan ee afduubatay ay dileen ilaaladooda ka hor inta aanay afduuban sida ay xaqiijisay dawladda Kenya.

Waxaa la rumeysan yahay in dhakhaatiirta la afduubtay loo soo weeciyay xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya iyadoona xogo qaar oo la helayo ay sheegayaan in dableyda afduubka geysatay laga yaabo in ay ka tirsan xoogaga Alshabaab.

Illaa hada lama heli karo warar intaasi dhaafsiisan oo la xiriira afduubka loo geystay dhakhaatiirtan hase yeeshee dowlada Kenya ayaa ku waramaysa in ay ku raadjoogto raggii afduubka geystay.

Si kastaba dhakhaatiirta la afduubtay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ka wadeen gobolka Waqooyi Bari kenya mashruuc daweyn ah oo ay dowladda Kenya garwadeen ka ahayd, dhamaan dhakhaatiirka la afduubtay ayaa asal ahaan la sheegayaa in ay kasoo jeedaan Wadanka Cuba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker