Tiktookaradda caanka a ah ee reer Ciraaq, Umm Fahad oo Baqdaad lagu toogtay

Umm Fahad oo ah haweeney u dhalatay dalka Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka hore ee gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Zein ee bariga caasimadda, Jimcihii.

Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay dilka “Haweeney caan ka ah baraha bulshada” oo ay gaysteen “dad aan la aqoonsan”.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in “koox gaar ah” la sameeyay si ay u baaraan xaaladda dhimashadeeda.

Ummu Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi ayaa la sheegay in gaarigeeda uu ku toogtay qof watay qori oo saarnaa mooto.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Ciraaq ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ninka weerarka geystay uu u muuqday mid iska dhigaya inuu raashin geynayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker