Maalgelintii Baanka Dhexe ee Madbacadda Qaranka oo Midho Dhal Noqotay

Marka hay’addaha dawliga ah ee waxsoosaarka leh la maal geliya isla markaana ay dawladdu maal geliso loona horumariyo si ka casrisan sida meelaha shaqo ahaan ay isu mid yihiin ee gaarka loo leeyahay,waxaa hubaal ah in hay’ddaha qaranka ee wxsoosarku ay noqonayan kuga ugu horumarsan isla markana loo soo doonan karo adeegyada ay qabtaan .

 

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay bilawgii snnadkan ku dhiiraday in lacag dhan hal milyan oo Dollar in uu ku maal geliyo Madbacadda Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay dhanka tartanka madbacadaha la dhaafay oo laga qalab iyo mishiino wacnaaday kolkii ay la jaan qaadi kari waayeen mishiinadeeda daabacaadu kuwa gaarka loo leeyahay.

 

Maalgelinta ballaadhan ee Baaanka dhexe ee Somaliland ku maal geliyay Madbacadda qaranka ayaa noqoay maalgelintii ugu ballaadhnayd ee Madbadda qaranka lagu sameeyo muddadii ay jirtay.

Waxaana malelinta Baanka dhexe ku maal geliyay lacagta dhan halka Milyan ee Dollar ay isugu jirtay qayb dhismeyaal ah iyo qayb Madbacadda loogu diray mishiino casri ah oo wax daabaca isla markaana noqda kuwa ugu casrisan ee dalka yaalla si ay hormuud ugu noqoto dhanka daabacaadda casriga ah ee dalka dawlad iyo shibna ay ku soo hiran karaan qalanka loo keeno tayadiisa.

 

Haddaba iyadoo maalgelinta Baanka dhexe maal geliyya Madbacada qaranka wakhti aan sidaa usii gogyn oo ah bilawii sannadkan ayay durba dalka soo gaadheen mishiinadii daabacaadda ee loo maal geliyay oo ah kuwii ugu casri sanaa ee dalka yimaadda isla markaana uu maanta la wareegay maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin.

 

Maareeye Raago oo kala wareegay shirkadda MMG qalab dhan 15 Mishiin oo casri ah, kuwaasi oo ay qaarkood yihiin Offsets Full Color.

Qalabkan oo isla shalay soo gaadhay xarunta madbacadda Qaranka ayaa ugu horrayn waxaa ka hadlay shirkaddii ku guulaysatay tartanka keenista qandaraaska mishiinadan, Maareeyaha shirkaddaasi Maxamed Cali oo ka hadlay keenista msihiinadan ayaa tilmaamay in tirada guud ee qalabkani ay ahaayeen labaatan mishiin, haddana ay keeneen 15 mishiin, inta hadhayna ay keeni doonaan todobaadkan isla markaana ay yaalaan gudaha dekeda Berbera.

 

Maareeyaha Madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage oo si rasmi ah ula wareegay qalabkan ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayaa ILLAAHAY, mar labaad waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aanay la’aantii hawshani suuro-gasheen, kana jawaabay soo jeedintayadii aanu in badan qabnay, oo ahayd in aanu qalab ku filan daabacaada helno.

 

Waxaan leeyahay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi taariikhda ayaa usi doonta, waana markii ugu horraysay ee madbacadda qaranku hesho qalabka tiradaa leh, taasina waxay suurto gal ka dhigaysaa ina y madbacadda qaranku si fiican u gudato waajibaadkii ay qaranka ugu xil saarnayd oo ah daabacaada iyo xafidaada dukmantiga dawladda.

 

Ku dhiirashada Maalgelinta Madbacadda qaranka ee uu Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland ku maal geliyay Madbacadda Qaranka ayaa noqotay guul qaran iyo midho dhal deg deg ah oo muddo kooban dalka ku soo gaadhay iyadoo dhawaanna la filayo in mishiinada 20 ka ah ee Madbacadda qaranka loo soo iibiyay iyo dhismaha ballaadhan ee loo dhisay in xaflad loo sameeyo dhakhsana ay u shaqo bilawdo.

Maalgelinta baanka dhexe oo Guddoomiye Baqdaadi uu ka sheegay maalintii dhismaha la dhagax dhiyay ayaa noqotay mid guulaysatay isla markaana wakhti kooban ay dalkaku soo gaadheen qalabkii mishiinada ahaa ee loo diray Madbacadda qaranka iyadoo dhismihiina uu dhammaaday oo uu hadda diyaarsan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker