Maraykanka Oo Dalka Lithuania Geeyey Ciidamo Iyo Taangiyo Dagaal

Dowlada Mareykanka ayaa bilowday in dalka Lithuania ay u daabusho 500 oo askari oo ka mid ah ciidanka Milatariga iyo tiro ka mid ah dabaabaadka dagaalka kuwaasi oo mudo lix bilood ah ku sugnaan doona dalalka dhaca qaarada Yurub ee dariska la ah Ruushka.

Taangiyada Mareykanka ee loo yaqaan Abrams iyo gawaadhida kale ee dagaalka ayaa isniinta maanta ah lagu arkay iyaga oo maraya agagaarka xarunta tababarka milatariga ee magaalada Pabrade.

 

Wasiirka difaaca Raimundas Karoblis ayaa sheegay in milatariga Mareykanka ay joogi doonaan inta lagu guda Jiro xagaaga, isagoo intaa raaciyay in uusan jirin sharci diidaya.
Fariinta aan u direyno wadamada dariska nala ah ee NATO waxay tahay in aan mid la nahay dhamaanteen wadanka Mareykanka ayuu yiri isaga oo la hadlayay warbaahinta.

 

Mr Ben Hodges oo hore ugu tirsanaa Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in talaabadan ay muujineyso sida Washington ay ugu go,antahay in difaaca wadamada Yurub.

Sarkaalkan hore ayaa intaa raaciyay in Mareykanka uu ku qaldanaa talaabada uu ciidankiisa kala baxay Suuriya.

Ben Hodges ayaa hadalkiisa ku soo koobay in aysan jirin cid isku dayi karta xitaa dowlada Ruushka in ay jahawareer ay galiso Arintaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker