Imaam masaajid ku dhex dilay doofaar oo Xukun adag lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Rwanda ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu masaajid ku dhex dilay doofaar.

Saddex qof oo sheegay in ay goob-joog u ahaayeen dhacdadan ayaa maxkamadda u sheegay inay arkeen imaamkan oo lagu magacaabo Sadate Musengimana oo geed ku garaacaya doofaarka, isla goobtana ku dilay.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in uu si lama filaan ah u dilay neefkan, kadib markii uu isku dayay in uu ka eryo masjidka oo ku yaala degmada Kayonzo ee bariga dalka Rwanda.

Qareenka Imaamka ayaa sheegay in uu racfaan ka qaatay “xukunkan adag”.

Imaam Musengimana ayaa weli xidhnan tan iyo bishii February oo aheyd markii uu dilay doofaarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker