Kiisaska Dadka Qaba Fayraska COVID 19 Ee Caalamka Oo Kor U Dhaafay 30 Milyan

Tirada kiisaska la xaqiijiyay ee coronavirus ee guud ahaan dunida ayaa kor u dhaafay 30 milyan, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka.

In ka badan 940,000 oo qof ayaa u dhintay Covid-19 tan iyo intii uu ka dillaacay Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore.

Mareykanka, Hindiya iyo Brazil ayaa laga soo sheegay kiisaska ugu badan, balse xanuunka ayaa ku soo laba kacleeyay Yurub.

Dalal badan oo ku yaalla waqooyiga hemisphere ayaa haatan wajahaya mowjad labaad oo fayraska ah, iyadoo xilligii qaboobaha ay geli rabaan.

Dalka UK, dowladda ayaa qorsheyneysa inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah.

Afrika ayaa diwaan gelisay in ka badan hal milyan oo kiisaska fayraska ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn heerka xanuunka ee qaaradda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker