Somaliland oo sheegtay in Puntland ay saaka ku soo qaadday weerar

Wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday ciidamadooda jooga jiidda hore ee Gobolka Sool.

Somaliland ayaa weerarkaas ku eedeysay maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxo ay ku sheegeen “nabad-diidka iyo argagixiso” iyaga oo intaas ku daray in mas’uuliyadda weerarka ay qaadi doonto Puntland.

“Beesha Caalamka iyo waddamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Somaliland.

Somaliland ayaa marar badan Puntland ku eedeysay ku lug-lahaanshaha dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker