Hanti-Dhawrka Qaranka Oo Xabsiga Dhigay Tiro Masuuliyiin Ah Oo Ka Tirsan Dawladda Hoose Ee Gabilay

Wararkii ugu dambeeyey natiijada baadhitaannadii ku socday qaar ka mid ah xafiisyada hay’adaha dawladda ee ay Hanti-dhawrka qaranku ku baadhayeen ayaa waxa ay sheegayaa in saraakiil ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Gabilay xabsiga loo taxaabay, kuwaasi oo ku eedaysan xaalado wax is daba marin iyo musuq ah balse aan wali maxkamad loo gudbin.

 

Maayarka Degmada Gabilay Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa xaqiijiyay in afar sarkaal oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda Hoose ee Degmada Gabilay xabsiga la dhigay, kuwaasi oo ay soo xidheen Hantidhawrka GUud ee qaranka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey baadhitaanno kala duwan ku waday qaar ka mid ah Golayaasha deegaammada dalka, kuwaasi oo ah masuuliyiin ku eedaysan wax is daba marin iyo Musuqmaasuq.

 

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabilay, ahna Maayarka Magaalada Md. Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo waraysi siinayay Telefishanka Somali Cable ayaa waxa uu sheegay in Hantidhawrka qaranku dhawaan baadhitaan ku sameeyey xafiiskiisa iyo guud ahaan xafiisyada kala duwan ee dawladda Hoose baadhitaankaasina ay ka soo baxday in xabsiga loo taxaabo Afar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Hoose kuwaasi oo ah eedaysanayaal.

 

Maayarka Degmada Gabilay oo faahfaahin ka bixinaya arrintaasi waxa uu yidhi: “Way Jirtaa Arrintaasi. Hantidhawrku sannadkiiba mar buu dawladaha hoose yimaaddaa. 2018 dabayaaqadiisii baa noogu dambaysay oo sidaa hay’adaha dawladda uunbay shaqadooda wataan. Shaqaale illaa afar qof ay ayay xidheen oo eedaysanayaal ah. Dambi laguma helin oo wali waa eedaysanayaal. Meel shaqo ka socoto la waayo mayo oo ma jirayso wax wada sax ahi (Perfection). Waxa ay la xidhiidhaa shaqadaa aanu hayno. Walina nimankaasi waa eedaysanayaal oo dambi lagu helay ma jirto. Waxa aan ogahay in dawladda Hoose ee Gabiley dadaal weyn oo horumarineed uu ka socdo oo aanu umadda ugu shaqaynayno” ayuu yidhi maayarku.

 

Dhinaca kale Maayar Maxamed-Amiin oo wax laga waydiiyay xaaladda is baddal ee ka muuqata Bilicda Magaalada Gabilay iyo dadaallada Dawladda Hoose ku hawlanayd in muddo ah ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Dadaallada horumarineed ee aannu muddoba ka wadnay Gobolka Gabiley ee Golaha Deegaanku ku hawlanaa waa dadaalo aannu ku horumarinayno bilicda Magaalada Gabilay. Waxa aanu samaynay waddooyin waaweyn oo aannu bilicda magaalada qayb kaga qaadanaynay. Waxa aanu samaynay in waddooyinkaa aanu laydh iftiimiya u hawl galno oo u samayno. Waxa aanu samaynay meelaha waddooyinka muhiimka ah in aanu sandaqadihii iyo cooshadihii foolxumada keenayay aanu ka baabi’ino. Dadaaladaas oo dhammi waa dadaalo aanu ugu talogalnay in aannu bilicda magaalada wax kaga qabano. Xoolaha aanu magaalada ka saarnay waxa ay qayb ka ahayd bilicda aanu kor u qaadnay”. Ayuu yidhi Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Maayarka Golaha deegaanka Degmada Gabilay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker