Qarax ka dhacay Wadanka Suuriya oo ay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof.

Ugu yaraan 39 qof oo 12 ka mid ah carruur yihiin ayaa qaraxaasi ku dhimatay, qaraxa oo ka dhacay magalada Idlib ee ku taallo waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya ayna ku xooggan yihiin kooxaha fallaagada.

Shaqaalaha gurmadka oo cagaf ku qodayo dhismaha qaraxa ku burburay

Dhismaha ku yaalla magaalada Sarmada oo uu qaraxa ka dhacay waxaa ku keydsanaa hub tira badan oo ay lahaayeen dadka hubka sida sharci darrada u gudbiyo.

Wariyaha goobta qaraxa ka dhacay ka soo warramaya wuxuu sheegayaa in ilaa iyo hadda tobannaan qof la la’yahay.

Idlib waa magaala ay ku xooggan yihiin, waxaana la filayaa iney noqoto goobta xigta ee ay weerarrada ku beegsan doonaan ciidamada Suuriya.

Bilihi ugu dambeeyey, dowladda Suuriya oo gacan ka helayo Ruushka iyo Iiraan, waxay guulo wax ku ool ah ka soo hoyeen dagaallo ay ku qaadeen kooxaha fallaagad dhul badanna ay kaga qabsadeen.

Warkan wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo dirtay xuduudda Turkiga iyo Suuriya ay wadaagan ayaa wuxuu sheegayaa, Axaddi shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo adeegsanayo cagafta dhulka lagu qodo waxay baadi goob ugu jiraan sidi ay u soo saari lahaayeen dadka dhismaha ku hoos jira oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn.

Hatim Abu mArwan oo ka mid ah kooxda difaaca shacabka Idlib ayaa wuxuu sheegay “Dhismaha qaraxa ku dumay iney dad badan oo rayada ah ay ku noolaayeen lana filayo iney dad badan burburka ku hoos jiraan”

Sida oo kale Hay’ad u ololeysa xuquuqda aadanaha ee Suuriya (SOHR) oo uu fadhigeedu yahay London ayaa waxay sheegtay ilaa iyo hadda in tobannaan rar iyo ruux midna lagu hayn.

Warbixinna qqaar ayaa sheegay tirada dadka qaraxaasi ku dhintay iney sii kordhi karto.

Qariidad

Dadka dhismahan qaraxa ku burburay ku noolaa badankood ayaa waxaa la filayaa iney ahaayeen qoysaska kooxaha jihaad doonka ah oo Idlib qoxootinima ku joogay kaddib marki dhulki ay ka dagaallamayeen xoog looga soo oo laga qabsaday.

Sababta qaraxa uu ka dhashayna weli lama ogaan.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker