Hooyo Gabadh Yar Oo Ay Dhashay Iibisay Kuna Beddelatay Gaadhi Duug Ah

Ciidammada ammaanka ee gobolka Carolina-da waqooyi ee dalkaasi Maraykanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen saddex qof oo la sheegay in ay ka mid tahay haweenay gabadh yar oo ay dhashay qoys kaga beddelatay gaadhi qadiima ah.

 

Hooyadan ayaa waxa magaceeda la yidhaa Alice Todd waxa aanay da’deedu tahay 45 jir waxa aanay gabadh yar oo ay dhashay oo ay da’deedu tahay 2 jir ay ku beddelatay gaadhi nooca loo yaqaano Plymouth Laser Ah oo soo baxay sanadkii1992kii isla markaana qadiim ah.

 

Gaadhigan ayaa waxa iska leh Tina Chavez oo da’deedu tahay 47 jir iyo Vicino Mendoza oo da’diisu tahay 53 jir.

Sidaana waxa lagu baahiyey wargeyska Lexington The Dispatch   waxaanu intaasi ku daray haweenaydani inay marka hore sheegtay in ay gabadhan yar ay tahay gabadheedii, balse markii dambe waxa ay beddeshay sheekadii oo dhan waana sababta keentay in laga shakiyo isla markaana la baadho.

 

Ciidammada bileyska ayaa sheegay in ay baadhitaanka hawshaasi waddaan isla markaana waxay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker