Real Madrid oo La Tabaalaysan Guuldarooyin iyo Dhaawac Laacibiinteeda

Real Madrid ayay ciqaab-wadareed ku dhacday Salaasadii, waxaana la iskugu daray guul-darro xanuun badan oo ay Valencia u xambaarisay iyo dhaawacyada laba ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan oo soo Gaadhay  intii ay socotay ciyaartaasi.

 

 

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo garoonka dhaawac uga baxay qaybtii dambe ayaa walwal badan ku abuuray Zinedine Zidane,

 

Sidoo kalena Fede Valverde ayaa jabniin soo gaadhay laga daaweeyey, isla markaana muddo bil ah la shaaciyey inuu garoomada ka maqnaan doono.

Saddex rikoodhe iyo gool uu Varane iska dhaliyey ayaa Los Blancos lagu garaacay, waxaana u raacay dhaawaca Benzema iyo Fede Valverde,

 

iyadoo ay horena xanuuno iyo dhaawacyo ugu maqnaayeen Casemiro, Eden Hazard, Eder Militao, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Nacho Fernandez.

 

 

Tababare Zidane ayaa dhakhaatiirta kooxda ka sugayay xogta ugu dambaysa ee dhaawaca Benzema oo ah laacibka ugu muhiimsan ee ay ka sugaan goolasha iyo dhismaha kubadda ee dhinaca afka hore,

 

kaas oo yimid xilli ay kusoo fool leeyihiin kulamo aanay ka maarmi karin haddii uu maqnaado.

 

 

Inter Milan oo ay ugu tegayaan Milan, Shakhtar Donetski oo Ukraine ay ugu safri doonaan iyo Borussia Monchengladbach oo u iman doonta ayaa ah ciyaaraha ugu muhiimsan ee ay ku xidhan tahay rajadooda Champions League ee xili ciyaareedkan,

 

Waxaanay u baahan yihiin inay guulo ka keenaan si ay ugu gudbaan wareegga 16ka, laakiin waxa la isla waafaqsan yahay in Benzema la’aantii ay adag tahay inay natiijooyin wanaagsan ka keenaan.

 

 

Horyaalka LaLiga ayaa ciyaarta ugu soo horreysa ay tahay Villarreal oo November 21 ay is haleeli doonaan ka hor safarka Inter.

 

 

Karim Benzema oo beddelkiisa aanay xataa kooxdu haysanin ayaa goolal kasoo dhaliyey kulamadii Valencia, Inter Milan, Borussia Monchengladbach iyo Huesca, waxaana afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey shan gool.

 

 

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, dhaawaca Karim Benzema ayaan ahayn mid sidaa u weyn, waxaanu kusoo kaban karaa muddada ay ciyaaruhu fasaxa yihiin, iyadoo uu kusoo laaban doono taam ahaansho buuxda, taas oo farxad u ah Zidane

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker