F C Waraabe Oo Toddobaadkan Ku Wajahan Magaalada Burco, Iyo Damaca Wareejinta Kursiga Guddoomiye Ee Xisbiga UCID

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) ayaa qorshaynaya in uu toddobaadkan dabayaaqadiisa safar siyaasadeed oo ballaadhan ku tago caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo dhawaan kasoo laabtay safar muddo qaatay oo uu dibadda ugu maqnaa ayaa waxa ay ilo-wareedyo u dhuun-daloola xisbiga UCID wargeyska Foore u xaqiijiyeen in uu safar gaar ah oo siyaasadeed ugu wajahan yahay magaalada Burco oo uu ugu bixi doono dhammaadka toddobaadkan.
Ilo-wareedyadan wargeyska Foore u xaqiijiyey Safarka Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer waxa ay intaasi ku darayaan in muddoda uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku sugan yahay magaalada Burco uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono siyaasiyiinta, wax-garadka, dhallinyarada iyo hogaamiyayaasha dhaqanka isaga oo kala xaajoon doona is baddalo uu doonayo in uu doorkan ku sameeyo xisbiga UCID oo bisha dambe ay ugu buuxdo sannad-guuradiisa 20aad ee maalintii dhidibada loo taagay.

Xoghani waxa ay tibaaxayaan in Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu quudda-raynayo in uu markii afraad isu soo taago doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Sannadka dambe, si hankiisu u meel marana uu doorkan doonayo in uu la yimaaddo qorshe cusub oo uu xisbiga ku wareejiyo deegaan uu la galo heshiis ay isagana ku dhisaan hankiisa Madaxweyne isna uu xisbiga ku wareejiyo.
Inkasta oo ay wali jiraan xogo tibaaxaya in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe doonayo in uu Siyaasi Maxamuud Xaashi ku wareejiyo mansabka Guddoomiye ee xisbiga UCID haddana waxa aan la saadaalin Karin sida xaaladdani noqon doonto iyada oo ay dhawaan ahayd markii Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda Beelaha Bariga Burco ay magaalada Dubai kulan gaar ah kula yeesheen Guddoomiyaha xisbiga UCID, kulamadaasi oo aanay wali wax rasmi ahi ka soo bixin, taa baddalkeedana xogo kale tibaaxayaan in Maxamuud Xaashi u dhaw yahay dhinaca xisbiga WADDANI.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu badhtamaha Bisha dambe safar ku tagi doonaa magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal oo la filayo in uu xisbiga UCID ku qabsado xaflad uu ugu dabbaal dagayo sannad-guurada 20aad ee aasaaskiisa oo ku beegan 15-ka October 2021. Xisbiga UCID ayaa ah xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada dalka marka la eego muddada aasaaskiisa oo ku began 15-kii Oktoobar sannadkii 2001.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hore ugu guul darraystay saddex jeer oo uu u tartamay doorashooyinkii Madaxtooyada ee sannadihii 2003, 2010 iyo 2017 waxaanu mar afraad qorshaynaa in uu isu soo taago doorashadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker