Naadigga Barri iyo Galbeed oo ku Guuleystay Koobka Tartanka Borama Cup XKCSL 2019

Borama(OWN)-Naadigga ku ciyaarayay magaca shirkadda socdaalka ee Barri iyo Galbeed ayaa Jimcicii ku Guuleystay koobkii Tartanka kubadda cagta ee Naadiyadda Heerka Koowaad ee Degmadda Borama (Borama Cup) oo XKCSL uu qabtay, maal-gelisayna Shirkadda Socdaalka ee Barri iyo Galbeed Telefishanka caalamiga ah ee HCTV uu si toos ah looga daawaddo dunnidda oo dhan.

Tartankan oo muddo bil ah ka socday garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ayaa waxaa XKCSL uu u qabtay naadiyadda heerka koowaad ee Degmadda Borama, kuwaas oo tiradoodu ahayd 12 naadi.

Haddaba kulankii Finalka ee tartanka Borama Cup ayaa waxaa u soo gudbay kadib markii ay dedaal la yimaadeen labadda naadi ee Barri iyo Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda Borama, waxaana 1:0 ay guushu ku raacday naadigga Barri iyo Galbeed gool ay billowgii ciyaarta ay la yimaadeen.

Guddoomiyaha XKCSL iyo Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa si wada-jir ah koobkii tartanka Borama Cup u guddoonsiiyay naadigga Barri iyo Galbeed, halka sidoo kale iyana Abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartoydii kale ee dedaalka la yimid tartanku intuu socday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker