Somaliland oo sheegtay in Puntland ay ku furayso furin dagaal oo cusub

Jamhuuriyadda Iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waddo aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Soomaaliya ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ka soo baxay.

Maamulka Puntland ayaa horay u beeniyay eedaymaha ay Somaliland u soo jeedisay ee ah inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanka Tukaraq.

Dhowr maalmood ka hor ayay Somaliland ku sheegtay bayaan in ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay eedeyntaas isaga oo sheegay in shacabka Laascaanood ay kacdoon sameeyeen.

Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker