Dalka Qatar oo Yeeshay Raiisul Wasaare Cusub .(Akhriso)

Qatar:  Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa iska casilay xilka uu hayay kadib istiqaalad uu u gudbiyay Amiirka dalka Qatar.

 

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa aqbalay is casilaada Ra’isul Wasaaraha oo qoyskiisa kamid ahaa, waxa uuna durba Amiirka magacaabay Ra’isul Wasaare cusub .

 

 

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar ayaa loo magacaabay Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani oo isna kamid ah Qoyska xukumada Qatar, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha xilka kala wareegayaa Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi.

Abdullah Bin Nasser Al Thani ayaa mudo 7-sano ah Ra’isul Wasaare ka ahaa dalka Qatar, waxaana kahor inta uusan Ra’isul Wasaare noqon sanado badan horey uga mid ahaa Xukuumada Qatar maamusha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker