Safaaradda Turkigu Ku Leeyahay Hargaysa Oo U Diiday Dal Ku Galkeedda (Vise) Iyo Lacagtiisii-ba Wariye Khadar Mucalim Deeq

Safaaradda Turkigu Ku Leeyahay Magaaladda Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland, Ayaa U Diiday Dal Ku Galkeedda (Vise) Wariye Khadar Mucalim Deeq Oo Ka Mid Ah Bahda Warbaahinta JSL Ka Hawl Gasha, Isla-markaana Sannaddihii U Dambeeyey Si Aad Ah Ugu Xanuunsanayay Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.

Sidda Uu Ku Caddeeyey Bartiisa Facebook WARIYE Khaddar Macalin Deeq, Ayaa Sheegay Inay Jawaabtan diidmadda ah Kaga Soo Jawaabtay Codsigii Uu Ula Tagay WARIYE Deeq qunsuliyaddan Turkiga Ee Somaliland, Waxaanay u dhignayd Jawaabta diidmadda ah Ee Safaaradda Turkiga Ee Hargeysa, Siddan:-“Walaal Visahaagii waa la Soo Diiday fadlan Passportkaagii Soo Doono, lacagtaaddiinna celis malaha” sidaas ayey iigu soo jawaabeen Turkigii Hargeysa oo aan muudo sugayey”. Ayuu Ku Yidhi Wariye Khaddar Macalin Deeq Qoraalkiisa.

Haddaba Waxa Nasiib Darro Iyo Wax Aad Looga xumaado Ah, Mar Hadday Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Wariyaha Xanuusanaya u Diiday Dal Ku Galkeeddii, Sababta Ay Ugu Diiday lacagtiisii Uu Xaqa Ugu Lahaa.

Warbaahinta ayaa  Ugu Baaqaysa Xukuumadda Somaliland, Gaar Ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamigaa Inay Si Dhakhso Ah Jawaab cad Uga keento Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Sababta Muwaadinkan Isagoo Dalkiisa Jooga Oo Xanuusanaya Ay Ugu Diiday lacagtiisii. Tani Waa Tacaddi Uu Turkigu Kula kacay Muwaadinkan, Khaddar Hadda Dawladdiisa Ayuu Hiil Uga Baahan Yahay.

Wariye Khaddar Macalin Deeq, Waxaanu Ilaahay Uga Baryeynaa Inuu Caafimaad Degdega Ah ugu Badelo Xanuunka.
Alle Ayaa Ka Dhaw Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker