Gantaalo Lagu Garaacay Aagga Cagaaran Ee Safaarada Maraykanku ee Magaalada Baqdaad

Maqribnimadii xalay  waxa weerar lagu qaaday meesha loo yaqaano Aaga Cagaaran iyo Saldhigyo Ciidan oo Maraykanku Ciraaq ku leeyahay;

Waxa Gantaalo lagu garaacay Aagga Cagaaran ee ay kutalo Safaarada Maraykanku ee Magaalada Baqdaad.

Muddo yar kadib waxa laweeraray Saldhig wayn oo ciidanka Maraykanku leeyahay oo kuyaala woqooyiga Baqdaad.

Waxa kaloo gantaalo lagu garaacay Xaafada loo yaqaano ‘Aljadiriya’ oo isla Baqdaad ka tirsan.

Waxa la weeraray Saldhiga cirka oo loo yaqaano ‘ Al-balad’, Saldhigan waxa degan ciidan Maraykan ah waxana u fadhiisin uyahay Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka maraykanka, waxa uu 100 Km dhinaca woqooyi ka xigaa Caasimada Baqdaad.

Waxa mar kaliya magaalada Baqdaad qayliyay oo lamaqlayay Wiishashka digniinta bixiya ee qaylya.

Intaas kadib waxa soo baxay diyaaradaha dagaalka ee maraykanka waxayna dul wareegeen Safaarada maraykanka iyo Saldhigyada la weeraray. Illaa iyo hada majiraan warar sheegaya Khasaaraha jira.

Sida laga war qabo Dawlada iiraan iyo kooxaha hubaysan ee shiicada ah ee reer Ciraaq ayaa intuba ku hanjabay in ay Maraykanka kaga Aargoosan doonaan Hogaamiya-yaashoodii u jimcihii ka laayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker