Dal Israa’iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.

Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.

Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker