Kenya oo muddo ka yar hal isbuuc ka faa’iiday qaadka ay Soomaaliya usoo dhoofiso Malaayin Dollar

Dowladda Kenya ayaa malaayiin dollar ka faaiidday qaadka ay usoo dhoofiso Soomaaliya muddo kayar isbuuc, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo  baxa Kenya.

220 milyan oo ah lacagta laga isticmaalo Kenya una dhiganta 1,800,000 oo doollarka Mareykanka sida ay sheegtay madaxa shirkadaha dalagyada miiroowga Kenya, taasi oo lagu magacaabo Felix Mutwiri.

“Waxaan dhoofinnay 81.4 tan  afarti maalmood ee udambeysay waxaan rajeyneynaa iney sii kordhaan tirada  la dhoofinayo iyadoo ay ogalaansho heleen ganacsatada dhoofisa qaadka”ayay tiri Felix Mutwiri oo ah madaxa shirkadaha dalaga qaadka Kenya.

Kenya ayaa tartan adag kula jirta suuqyada qaadka ee Ethiopia kaasi oo Somalia la keenayay tan iyo markii lajoojiyay qaadka Kenya kadib markii uu xumaaday xiriirka Somalia iyo Kenya.

Dhawaan ayey ahayd, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu safar ku tegay dalka Kenya, wuxuuna halkaas kula soo gaaray heshiis dhiggiisa dalka Uhurru Kenyatta.

Dhinacyada ayaana markaas isla gartay in dib loo fasaxo qaadka laga keeni jiray Kenya kaasi oo muddo 2 sano ah hakad ku jiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker