Dawlada Sacuudiga Oo Sannadkan Mamnuucday inaan Hal Qof Wadankeeda u Iman karin Xaj

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban Sanadkan Loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, Sababo la Xidhiidh  cudurka Coronavirus.

 

 

Waasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka deegan gudaha Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, Loo gOolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sanadkan ka imaneysa Debedda.

 

 

“Go’aankan waxaa Loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka Loo Guto si nabdoon ayada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka.

Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaaraya 2.6 milyan oo qof.

 

 

Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah.

 

 

 

Xajka gudashadiisu waa ugu yaraan hal mar waana mid ka mid ah Shanta tiir ee Shareecada Islaamka – shantaas waajib oo ah ah in qofkasta oo muslim ah, oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla mar ahaantyaana awoodi kara, ay tahay inuu falo si uu ugu noolaado nolol wanaagsan, sida ay qabto diinta Islaamka.

 

 

 

Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan ayada oo sanad kasta uu soo xareeyo lacag gaareysa 6 bilyan oo dollar.

 

 

Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker