Meydka Nin Turki ah iyo dhaawacyada xubno kale oo laga qaaday Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka Türkiye Alper Aktaş uga tacsiyeeyay muwaadiniin Turki ah oo weerar gaadmo ah Al-Shabaab ku dileen iyaga oo ku jira hawlo bani’aantinnimo.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho ku sagootiyay hawl-wadeennada dhaawaca iyo meydka u qaadayay dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa Ilaahay uga barayay naxariistiisa janno shuhadada ku nafwaayay weerarka, caafimaad degdeg ahna ugu duceeyay dhaawaca.

Laba qof oo uu ku jiro muwaadin u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu dilay qarax subaxnimadii Khamiista ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qofka labaad ee ku dhintay weerarka ayaa ahaa Soomaali.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka Muqdisho, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaan dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker