Madaxweyne Muuse Biixi oo Faysal Cali Waraabe ka Raaligeliyey Weedhihii uu Dhowaan iskaga Fogeeyey la Kulankii Farmaajo iyo Kulan Xalay Ku Dhex-maray Madaxtooyadda….?.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay Madaxtooyadda kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo todobaadkan kula khaas ah kula soo qaatay Magaalada Bresales ee dalka Beljenka Madaxweynaha Xukuumada Xamar Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu ka heshay ilo ka ag dhow Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa sheegay in kulankaas dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ahaa mid albaabadu u xidhan yahay, isla markaana waxay labada masuul iska laab-xaadheen qardoofadii todobaadkan dhexmartay, iyadoo intaa ay xogguhuu Ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi raaligelin siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, kasoo ka raaligeliyey weedhihii uu todobaadkii hore Madaxweyne Muuse Biixi hawada u mariyey Faysal, kuwasoo uu Ku sheegay inaanay waxba kala socon safarkiisi uu kula soo kulmay Madaxweynaha Xukuumada Somalia Farmaajo.

Hadalkaas oo sida la sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ugu micneeyey inuu uga Dan lahaa inuu dadka Ku dejinaayey.
Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal ka dalbaday inuu halkii kasii wado wadashaqayntii Xukuumadiisa iyo isagga, isla markaana uu kala shaqeeyo sidii doorashada Baarlaanka iyo golayaasha deegaanka loo qaban lahaa.

Dhimaca kale, Faysal Cali Waraabe ayaa isna aqbalay raligelinta Madaxweyne Muuse Biixi usoo jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inuu laban-laabi doono wada shaqayntii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo isagga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker