Dhallinyaro yaryar oo Somali-Maraykan Ah Oo Argagax Ka Qaaday Booliska Dalka Maraykanka

Minneapolis (OWN)- Saddex Dhallinyaro yaryar oo Somali-Maraykan ah ayaa daaha ka rogay inay cabsi xooggan ka qaadeen Askar Boolis ah oo Qoryo ku soo taagay, xilli ay fadhiyeen Barxadda Minnehaha oo ku taalla magaalladda Minneapolis ee dalkaasi.

 

Dhallinyaradaasi waxay u baqdeen Noloshooda, markii ay Ciiddanka cabsi-geliyeen, isla markaana ay toddobaadkii hore ku xidheen Barxadda Minnehaha, Dhallinyaradaasi oo lagu kala magacaabo Suhayb Axmed,  Aadan Gufle iyo C/jabaar Axmed waxay Saxaafadda u sheegeen inay falkaasi ka qaadeen caro, Cabsi Joogto ah iyo inay geeriyoon doonaan.

Saddexda Dhallinyaro oo dhigta Dugsiga Dhexe  waxay faahfaahiyeen cabsida ay ka qaadeen Falka Boliska.

Dhinaca kale, Boliska barxadda Minnehaha waxay sheegeen in Saraakiisha laga soo hadlay  Telefoonka Gurmadka ee 911 loona sheegay inay afar dhallinyaro oo watay Mindiyo iyo ulal ay halkaasi joogaan.

 

Qofka Boliska la hadlay  oo aan magaciisa la shacainin ayaa u sheegay Boliska in mid ka mid ah Dhallinyarada Soomaalida uu Bistoolad ku wato Boorsada dhabarka lagu xirto ee Buugaagta lagu qaato.

 

Taasi oo keentay in mid ka mid ah Sarakiisha Boliska uu  hubsiimo la’aan qori ku taagaya Dhallinyaradii, isla markaana ay wada jeebadeeyeen.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker