Safaaradda Somaliland ee Dalka Ethiopia oo Daayacday Baahiyaad-kii Ardayda Somaliland ee Wax ka Barata Dal-weynaha Ethiopia.

Marka hore waan salaan guud u dirayaa shacab ka Somaliland. Mar ka labaad waxaan salaan u dirayaa bahda saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland. Salaam ka dib maanta waxaan qalin ka u qaatay inaan wax ka idhaahdo dayaca ay ku sugan yihiin ardayda Somaliland ee dalka Ethiopia wax ka barata ka dib markii ay dhegaha ka furaysteen madaxdii safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia. Dalkan Ethiopia waxaa wax ka barta arday aad u badan oo ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland. Ardaydaasi waxay u qaybsamaan laba qaybood. Qayb waa arday iyagu sidooda lacagta iskaga bixiya, kuwaas oo intooda ugu badan ku nool yihiin caasimadda dalka ee Addis Ababa. Qaybta labaad na waa arday wax ku barata deeq waxbarasho [scholarships ] ay dawladda Ethoipia dalkeenna ugu deeqday. Ardayda deeqda waxbarasho intooda ugu badan waxay ku filiqsan yihiin guud ahaan sagaal ka Kilil ee dalka weynaha Ethiopia qaybsan yahay.

Hadda ba safaaraddii Somaliland ee ardayda mas’uul ka ka ahayd gebi ahaan ba waxay ka muuqaratay inay baahiyaad kii ardayda ay hoos u eegto. Ardayda ay mas’uul ka ka ahayd waxay kaga mashquuleen dano iyaga u gaar ah.  Madaxda safaaraddu gebi ahaan ba wax allaale wax ay kala socdan baahiyaad ka ardayda ma jirto. Wax kale iska dhaafe waxay damceen urur kii keliga ahaa ee arrimaha ardayda u dhaqdhaqaaqi jiray inay gebi ahaan ba joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen, iyaga oo taas beddelkeeda safaaradda keensaday shakhsi Hargeysa laga soo diray oo ay yidhaahdeen arrimaha ardayda ayuu noo qaabilsan yahay! Waa yaabee wiil lix bilood horteed Hargeysa laga keenay sidee ku noqon karaa wakiil ka safaaradda u qaabilsan arrimaha ardayda? Sidee xogta ardayda ku ogaan karaa wiil aan aqoon hal jaamacad oo ku taalla magaalada Addis Ababa oo ardayda Somaliland wax ka bartaan? Sidee xogta ardayda uu ku ogaan karaa ruux aan hal ardayda oo reer Somaliland ah oo Ethiopia wax ka bartaa aan aqoon? Miyaanay ayaan darro ahayn in guddoon kii ardayda intii laga tallaabsado in arrimihii ardayda gacanta loo geliyo ruux aan waxba laga ogayn arrimaha ardayda.

Madaxda safaaraddu waxay  toos u go’aansadeen inay arrimaha ardayda iska dhego tiraan. Waxay go’aan ku gaadheen inay meesha ka saaraan ururkii ardayda ee soo jireen ka ahaa ee arrimaha ardayda gacanta ku hayey. Laga soo bilaabo illaa maalintii ay safaaradda yimaaddeen safiirka iyo safiir xigeen ku wax ay kala socdaan baahiyaad ka ardayda haba yaraatee ma jirto. Urur ka ardaydu marar badan waxa uu isku deyey inuu arrintaas safaaradda kala hadlo. Balse nasiib darro mas’uuliyiinta safaaraddu oo ugu horeeyo Safiir ku xigeenku Mohamed Abdikariin( Maarshaal)  arrintaas aad bay uga dhego adaygeen. Markasta oo guddoon ka ardaydu ay ballan damcaan inay ka samaystaan waxay ugu jawaabayeen been cad. Safiir ku xigeen ka safaaraddu tiro malaha inta jeer ee uu guddoon ka ardayda been cad u sheegay. Waxa uu dhaqan ka dhigtay been cad markasta kuu sheego. Waa dhaqan uu leeyahay safiir ku xigeen ka safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia mudane Maxamed Maarshaal. Ardaydu waxay is lahaayeen mas’uuliyiintan cusub ee safaaradda loo soo diray ayaa wax ka qaban doona baahiyaad kii na faraha badan, balse mas’uuliyiintan ayaa noqday qaar ay ku hungoobeen ardayda Somaliland ee dalka Ethiopia. Iskadab-ba inay ardayda wax u qabtaane waa bay ka dhuuntaan ardayda. Wejiyadooda-na xitaa ardaydu ma taqaan, waa na nasiib darro aad u weyn oo ardayda soo food saartay.

Dhan ka kale waxaa jira urur la yidhaahdo urur ka ardayda Soomaali weyn kaas oo toos u hoos taga safaaradda Somaliya ee dalkan Ethiopia. Sidaas darteed urur kaasi waxa uu bilaabay inuu arrimaha ardayda Soomaalida ah uu isagu gacanta ku hayo oo uu safaaradda Soomaaliya wax walba oo ay u baahdaan uga soo dhammeeyo. Kolkaas ardaydii Somaliland waxay hadda bilaabeen inay ururkaas toos u hoos tagaan kolkii ay ka rajo beeleen safaaradoodii mas’uul ka ahayd. Arrintaasi waxay ayaan darro weyn ku tahay safaaradda Somaliland oo tahli kari weyday arrimaha ardayda ay mas’uul ka ka tahay. Waxay sidoo kale dhabar jab ku noqonaysaa urur ka ardayda reer Somaliland oo ahaa urur ka ugu da’da weyn ururada ardayda Soomaalida ee dalkan ku nool ka dib kolkay waayeen garab kii safaaraddooda.

Ugu dambayntii waxaan madaxda safaaradda ugu baaqaynaa haddaan nahay ardayda Somaliland ee dalkan wax ka barata inay wax ka beddelaan hab maamulkan liita ee ay ardaydii kula dhaqmayaan.

Mustafa Abdala

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker